Akhri:Qaar Ka Mid Ah Gudida Sariflayaasha Hargeysa Oo Ka Hadlay Xaalada Suuqa Sarifka Hargeysa Iyo ……

Qaar ka mid ah Xubnaha Gudida Fulinta Sariflayaasha Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda uu ku sugan yahay qiimaha Sarifka lacagta qalaad ee Dollarku iyo hoos u dhac weyn oo ay sheegeen inuu maalmihii u dambeeyay ku yimid, waxa ay sidoo kale ka hadleen sababaha keenay inuu hoos ugu dhaco iyo waxa hakad galiyay Doolar qaaliyawgii aadka bulshada Somaliland uga caban jirtay Horaantii sannadkan sii dhamaanaya, waxa kale oo ay beeniyeen war dhawaan ku soo baxay Warbaahinta dalka oo si male awaal ah ay sheegeen in loo alifay, loona baahiyay, oo lagu sheegay inuu sicirka Dollarku sare u kacay taasi oo ay ku sheegeen waxba kama jiraan.

Qoraal ay warbaahinta ugu talo-galeen Xubnaha sare ee Gudida Fulinta Sariflayaasha Hargeysa oo ay soo gaadhsiiyeen Xafiiska Warqabada Wargeyska Madaxa Bannaan ee Foore ayaa waxa lagu yidhi sidan “Haddii aanu nahay Guddida Fulinta Sariflayaasha Hargeysa Waxaanu halkan ku beeninaynaa War dhawaan kusoo baxay Warbaahinta dalka oo sheegaya in sarifka Lacagta qalaad ee Dollarku uu kor usii kacayo oo uu qaaliyoobay, warkaasi waxba kama jiraan, waxaana baahisay warbaahin aan si dhab ah u darsin xaqiiqada taala suuqyada Sarifka iyo hanaanka ay wax u socdaan, waxaanu cadaynaynaa haddii aanu nahay Gudida Magacyadoodu hoos u xusan yihiin inuu hoos u sii socdo sarifka Lacagta qalaad taasina ay marag u tahay sida uu hoos uga maray halkii uu joogay iyo xaalad deganaanshiyaha ee uu mudooyinkii u dambeeyay ku sugan yahay Isku badelka Lacagta Shilinka Somaliland iyo Doolarku”.

“Waxaanu halkan mar kale ku cadaynaynaa in Muddadii ay Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu xaalad deganaanshiyo ah galay Suuqa sarifka Lacagaha Qalaad ee Dollarku islamarkaana uu maalinba maalinta ka dambaysa uu si weyn hoos ugu sii dhacayo Suuqyada Somaliland oo mudadaasi ay Xukuumaddani jirtay wax hoos uga dhaca mooyee aanu jirin wax ku kordhaa, taasina ay ku timid juhdiga Xukuumaddu wado iyo dadaalka dheeriga ah ee ay hadh iyo habeen wadaan Masuuliyiinta Banka Dhexe ee Somaliland oo Xukuumadda uga xilsaaran ka warhaynta Sarifka iyo dejintiisa, Waxaanu ka gudi ahaan xaqiijinaynaa inaan Masuuliyiinta Baank dhexe la’aantooda waxba sidaasi iskugu duba dhaceen, Illaahayna waxaanu ka baryaynaa inuu Hawsha ay Qaranka u hayaan u fududeeyo”.

Xubnaha Gudida Qoraalkan Soo Saartay:

Maxamed Abiib Siciid Waraad “Abtidoon”

Cabdi Badel Cabdi

Barkhad Axmed Coofiye

Maxamud Cabdi Khaliif