Daawo-“3800 Meherood-baa Kacay Sannadkii Xukuumaddani Jirtay” Sh. Aadan-Siira

Daawo-Sheekh Aadan-Siiro Oo Sheegay Inaan Bulshadu Dhaqaale Ahaan Awood U Lahayn Beddelaadda Taarikada Gaadiidka.

Hargeisa(GNN):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta si adag ugaga hadlay Taariikada Gaadiidka oo dhawaan Xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday in la beddelayo.

Sheekh Aadan waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay xidhiidhka Ummadda Muslimka iyo Hoggaankoodu yeelanayaan, si loogu midoobo horumarinta danaha Guud, waxaanu yidhi “Waxaynu si kooban uga hadlaynaa ilaaqaadka u dhexeeya hoggaanka Ummadda iyo Dadka Muslimiinta ah ee ay xukumayaan. ka hor, markii Qur’aanka la soo dejiyey maxaa jiray ? waxa jiray in Qofba ka uu ka awood badan yahay uu hantidiisa cuno, dhulkiisa qaato, xitaa Gabadhiisa inuu ka qaado, laakiin Islaamku wuxuu gaadhay in Nimanka loo yaqaano Ducafadii Muslimiinta ee maryaha cascasaa inay Dadka hoggaamiyaan oo Illaahay (SW) uu samada ka soo salaamo.”

Sheekh Aadan-siiro wuxuu sheegay “Islaamku wuxuu dejiyey Qaacidada ah Madaxweynaha ama Hoggaanka Ummaddu wuxuu Miisaan leeyahay inta uu Ummaddaa Maslaxaddooda ka shaqaynayo, Waayo? waa Awoodahaa is-dheelitiraya ee meel u wada jeeda, Rasuulka (CSW) oo bani-aadam ugu fadli badnaana kamuu dhex soocnayn saxaabadiisa, illaa marka uu Qof soo Islaamo odhan jiray ‘Mee Nebi Muxamed), sidaas ayuu Islaamku Dadka ku dhaqay, Ilaaqaadka Islaamku sameeyayna taa weeyaan.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay siday muhiimka u tahay in Dadku wanaagga is-faro Xumaantana iska nahiyo “Iimaanka halka ugu hoosaysaa waa Waddada oo aad ka qaado dhagaxa (wixii dhib keenaya ee yaalla), laakiin bal dhaqankeena Maanta eeg, Deyr buu samaystay, haddana laba lowdh oo dhagaxaan ah ayuu sii hor dhigay, Sandaqad kale ayuu ka sii hor-dhisay, markaa halkaynu ka joognaa iimaanka uu Rasuulku (CSW) tilmaamayo.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay in Dadka Miyiga ku dhaqani u baahan yihiin gurmad, maaddaama buu yidhi uu Faro-baas ku hayo Jaadka oo Danihii Adduunyo iyo kuwii Aakhiraba seejiyey  “Magaaladu ma dayacna, Waayo? waxa ka furan in ka badan 5 kun oo Madarasadood, waxa ka samaysan 465 Masjid, in ka badan Afartan Tafsiir ayaa ka socda Magaalada, intaas oo Jaamacadood oo Islaamiya iyo intaas oo Machad baa ka samaysan, meelaha u baahan in loo gurmado waa Dadkeena Magaalada ka baxsan oo aan dhaqaale haynin, Diin haynin, waxbarasho aan haynin, kuwaa yaa u gurmada ? waxa u gurmada Nimankaa Culimada ah ee Dad badan wax ka sheegaan (Tabliiqiyiinta), Waar Nin Muslim ah oo soo qaatay Bariiskiisa iyo Qamadinkiisa oo u tagay Tuuladii innagu xigtay oo Bilaa Salaad ah oo Saddex cisho dhex fadhiyey oo Qof walba Gurigiisa ku booqday oo Salaadda ugu yeedhaya, maxay kula tahay Marka Aniga oo iska fadhiya oo halkan khudbad yar ka jeediya oo Gaadhi cadna wata markaan wax ka sheego (Culimada Tabliiqiyiinta), Diini waxay ku soo ururtay giraamkaaga soo qaado oo Illaahay dartii u soo bax…” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay inay Bulshada culays ku tahay Beddelaadda Taariikada Gaadiidka “Waxaan aad ula yaabay markii Xukuumaddu soo saartay boqol kun oo Taariko hala beddelo, 60 Dollar bay yidhaahdeen,laakiin marka waxa raacaya lagu daro waa 11 Milyan oo dollar, Xukuumaddu inoomay sheegin Lacagta intaas leeg ee soo baxaysa (Waxa lagu qabanayo), Waayo? dugsiga Biyo dhacay 135 Arday ayaa ka baxay dugsiga sare, 90 Arday baa dhacay, Faarax Oomaar 138 Arday baa ka dhacay, 42 baa gudbay, laakiin weli Xukuumaddu kamay hadal, Dugsiyada Dawladda oo dhan waxa wax ka dhigayaa (lagu tayeyn karo) kama badna laba Milyan Dollar.”

Sheekhu wuxuu sheegay oo kale “Dadkaagii oo baahan, Carruurtaadii oo wada Tahriibaysa, Baabuur yar oo Fitis ah (Tukhaan) ay Hooyo Agoon haysataa u iibisay Wiilkeeda inaad ku mashquusho in 150 Dollar ay Islaantaa Tamaandhada iibinaysaa bixiso (ku bixiso beddelka Taarikada waa dhibaato)…” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Meherado badan xidhmeen muddadii Xukuumaddu Talada Dalka gacanta ku haysey “Dadka u dhuun-daloolaa (waxay sheegeen) Sannadkii ay Xukuumaddani jirtay waxa soo laalaabtay oo kacay 3800 Meheradood, waa Hargeysa oo keliya, Dalka gebigiisiiba wuu soo ootay, iska daa inaad tidhaahdo Cashuurta hala kordhiyo ama Taarikada hala beddelee, waxay ahayd in Maanta Xukuumaddu ay Dadka u gurmato.”

Sheekhu wuxuu farriin u diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi “Madaxweynaha iyo inta hoos joogta waxaanu leenahay markaad Dadka Cashuur ku soo rogaysaan Caqli iyo xikmad ku dara.”