Hay’adda Shaqaalaha Jsl Oo Shaacisay Wakhtiga Iyo Goobaha Dadweynaha Gobolka Sanaag Ku Geli Doonaan Imtixaankii Shaqooyinka Dawladdu Qaadanayso.

Hay’adda Shaqalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa si rasmi ah u shaacisay wakhtiga iyo goobaha bulshadda ku dhaqan Gobolka Sanaag loo daahfuraayo Tartankii Imtixaanka shaqooyinka Dawladda ka banaan loo gelaayo ee gobolka Sanaag loogu talo galay.

Hay'adda Shaqaalaha

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo isaga iyo wefti hogaaminaayo oo Gobolka Sanaag ku sugan, ayaa magaaladda Ceerigaabo isaga oo ku sugan, waxa uu shaaciyey wakhtiga iyo goobaha shaqooyinka Gobolka Sanaag ay dawladdu ka qaadanayso Imtixaanka ay ugu geli doonaan reer Sanaag iyada oo maalinta Arbacda ee bishu tahay 28/11/2018  meelo loo asteeyey Imtixaanka dadka shaqooyinkaasi daneynayaa ay geli doonaan.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle qoraal kooban oo uu kaga hadlay shaacinta wakhtiga shaqooyinka dawladdu qaadanayso Imtixaanka kaga qaadayaan dadweynaha gobolka Sanaag.

Wargelin: Taariikhda iyo Goobta Imtixaanka Shaqo ee Gobolka Sanaag

Waxaa si habsami ah u soo dhamaystirmay qabashada codsiyada Shaqo ee Gobolka Sanaag halkaas oo ay dhalinyarada aqoonyahanka ahi ku tartami doonnaan 50-Kaalmo Shaqo oo Hay’adaha Dawladda ka bannaanaday.

Haddaba, tartankii u qorshaysnaa in uu qabsoomo Maalinta Salaasada ayaa qabsoomi doonna maalinta Arbacda ee bishu tahay 28/11/2018 iyada oo maalinta berri ah ay qabsoomayso qalin-jabintii Jaamacadda Sanaag University, halkaas oo ahayd xaruntii loo asteeyey in uu ka qabsoomo tartanku.

Tartamayaasha waxaa lagu wargelinayaa in ay xarunta Jaamacadda Sanaag kasoo xaadiraan 8:00Am Subaxnimo ee maalinta Arbacda iyaga oo sita Shahaadooyinkii asalka ahaa “Original” ee ay Copy-giisa horay u soo xaraysteen iyo Aqoonsiga Muwaadinka Somaliland “Somaliland National ID Card”

Waxaan u rajaynayaa tartamayaasha guul iyo tartan hufan

Sharmaarke Axmed Muxumed Gelle

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL.