Hargeysa (GNN):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Ahna Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa markii u horaysay ka hadlay sababaha kala erdheeyay ee ay isku seegeen Madaxweynaha hadda talada dalka haya ee Muuse Biixi Cabdi wakhtigii uu Siilaanyo dalka ka talinayay, Waxa uu sheegay inay isku aragti ka noqon waayeen dhinaca Siyaasada, waxa kale oo uu sheegay inuu mar walba la safan jiray Siilaanyo marka ay isqabtaan Siilaanyo taasina ay qayb tahay sababaha sii kala fogaysay isaga Iyo Muuse Biixi wakhtigii uu Gudoomiyaha Kulmiye ahaa, Xirsina Madaxtooyadda Joogay.

Sidan ayuu Hogaamiye Xirsi ka Sheegay waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu la yeeshay Macalin Faysal Fadh fadhle oo ka mid ah Bahda Telefishanka Caalamiga ah ee Universal, waxaanu ku bilaabay hadalkiisa

“Muuse Biixi wali Si Shaqsiyan ah iskumaano qaban,laakiinse siyaasada ayaan ku soo kala horjeednay, Madaxweynaha ayaan la safnaa, isagana way isku jiidheen, markaa tartankii siyaasadeed ee na dhex marayay mooyaane wax Shaqsiyan ah oo na-dhex maray majirto oo waligayo iskumaan qaban,markaa majirto Cadawaad siyaasadeed oo noo dhexaysaa imikana nooma dhexayso, markii horena noomay dhexayn oo aan shaqsi ahaan isku hayno, laakiinse aragti siyaadeed oo kala duwan waanu lahayn. Muuse Biixi intaanu isku qabanay waxay ahayd intii aanu Xukuumadda Wada joognay markii hore ee mucaaridka, Mucaarid ayaanu wada ahayn markaa intii aanu Xukuumadda joognay isna Gudoomiyaha Xisbiga ahaa ayaanu ku kala duwanayn, ana Madaxweynaha ayaan la safnaa isaguna Ra’yigiisa ayuu watay oo waxa uu doonayay Kursiga oo dee waakii aad arkaysay ee u ordayay ee Marar badan la iskaga horyimid”.

GABILEY.NET