“Komishanka Waxaan Leeyahay Meel Aan Lagaa Jeclayn Waa La Iskaga Tagaa,Oo La Iskuma Sii Dhajiyo…” Xildhibaan Qabiile

Hargeysa (GNN):- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid Doorashooyinka, waxaanu tilmaamay in dib u dhacani ay sabab u yihiin khilaafka Xisbiyada, waxaanu sheegay in hawlo badan oo la qaban lahaa uu khilaafkaasi hakiyey.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa hadalkiisi ku bilaabay “Khilaafka Axsaabtu weynu ogeyn oo cirka ayuu isku shareeray, muddada imika taagan hawlo badan oo la qaban lahaa ayuu khilaafka Xisbiyadu  hakiyey,   balse arin sharci oo iyagu gaar u leeyihiin ma jirto, sababihii Dastuuriga ahaana la isla ma gaadhin, Komishankana waxaan leeyahay meel aan laga jeclayn waa la iskaga tagaa,oo la iskuma sii dhajiyo, waxayna ahayd in iyada oo aan wakhtiganba la soo gaadhin in mar horeba la sii dhammeeyo wax kasta oo Doorashooyinka ku xidhan, laakiin ilaa hadda wakaas khilaafkii wali taagan, xal la gaadhayna ma jiro”

Source:- Geeska