Madaxweynaha Turkiga Oo Iminka Si Toos Ugu Dhawaaqey Cidii Soo Amartey Dilkii Wariye Jamaal Khaashuqji

Ankara (GNN):- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markii ugu horraysay waxaa uu dowladda Sucuudiga si toos ah ugu eedeeyay dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

“Waxaannu ognahay in amarka lagu dilay Khaashuqji inuu ka soo baxay madaxda ugu sarreysa ee dowladda Sucuudiga,” waxa uu ku qoray maqaal ku soo baxay wargeyska the Washington Post.

Hasayeeshee isagoo hoosta ka xariiqaya xiriirka saaxiibtinimo ee Turkiga kala dhaxeeya Sucuudi Carabiya ayaa waxa uu intaasi ku daray in uusan rumaysnayn in Boqor Salmaan uu arrintaasi ku lug lahaa.

Khaashuqji ayaa waxaa 2-dii bishii Oktoobar lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul.

Dambi baarayaasha Turkiga ayaa waxa ay rumaysan yihiin in weriyaha oo dibad joog ahaa la ceejiyay markii uu qunsuliyadda Sucuudiga u tegay si uu uga soo qaato dikumiintiyo ka caawin lahaa guurka inanta u dhalatay dalka Turkiga oo dhawaan dhici lahaa.

Su’aalo ayaa ka taagan waxa ka dhex dhacay qunsuliyadda Sucuudiga 2-dii bishii Oktoobar

Maydkiisa ayaanan weli meelna lagu sheegin iyadoo Yasin Aktay oo lataliye u ah Madaxweyne Erdogan uu sheegay inuu rumaysan yahay in maydka ninkaasi lagu baabi’iyay aashito kaddib markii jirkiisa la jarjaray.

Dilka oo markii hore ay qariyeen mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa waxa uu dhaliyay dhibaato dhanka diblumaasiyadda ah oo ka dhex aloosantay Sucuudi Carabiya iyo xulafadeeda.

Dowladda Sucuudiga ayaa markaasi kaddib waxa ay xirtay 18 qof oo laga shakisan yahay kuwaas oo lagu maxkamadayn doono gudaha dalka Sucuudi Carabiya.