Qaramada Midoobey Oo Guclo Iyo Orod Ugu Jirta Inay Kulan Fool-Ka-Fool Ah Isku Horfadhiisiyo Biixi Iyo Farmaajo + [ Goormay Kulmi Doonan

Hargeysa (GNN):- Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaalida danjire Nicholas Haysom, ayaa la sheegay inuu ka shaqaynayo sidii ay kulan fool-ka-fool ah u yeelan lahaayeen Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Ma jiro wax war ah oo ay Hargeysa iyo Muqdisho ka soo saareen warkan, laakiin sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, ergaygan oo dhawaan xilka kala wareegay ergaygii hore ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Biixi iyo Farmaajo, waxa la sheegay inuu u soo bandhigay doonistiisa ah  inay yeeshaan kulan toos ah si dib loogu bilaabo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadka ku yimid. Laakiin lama garan karo inuu weli labada madaxweyne ku qanciyay qorshihiisa ah inay kulmaan.

Sida ay xogahani sheegeen danjire Nicholas Haysom, oo ah diblomaasi khabiir ah, wuxuu doonayaa inta aanu sannadka dhammaanin inuu kulansiiyo Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaanay wararkani intaas ku darayaan inay suurtogal tahay in kulanka labada madaxweyne ka dhaco dalka Koonfur Afrika oo uu danjire Nicholas Haysom dhalasho ahaan ka soo jeedo, waase haddii ay Somaliland iyo Soomaaliya isla gartaan inay wada hadalo bilaabaan.

Kulankan ayaa lagu sheegay inuu noqon doono mid loogu gogol xaadhi doono inay dib u bilaabmaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay bishii March ee sannadkan oo la filayay inay Biixi iyo Farmaajo ku kulmaan dalka Djibouti. Kulankaas Djibouti waxa hakiyay mawqifkii ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay maalgashiga DP world ee dekedda Berbera.

Lama saadaalin karo in kulanka uu ergayga Qaramada Midoobay dhexda u xidhay qabsoomi doono iyo inuu fashilmi doono sidii kulankii hore u qorshaysnaa. Madaxweyne Biixi ayaa toddobaadkan khudbad uu ka jeediyay magaalada Burco wuxuu meel adag iska taagay wada hadal u bilaabma Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin hoggaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka horyimid go’aanka Madaxweyne Biixi, waxaanu sheegay inaanu Madaxweyne keligii xaq u lahayn inuu joojiyo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Source:- Geeska