Qoraal Qeexaya xidhiidhka Mustaqbalka UK iyo Midowga Yurub oo Lagu Heshiiyay

Midowga Yurub iyo UK ayaa waxay ku heshiiyeen qoraal qabyo ah taasi oo ku saabsan xidhiidhka ay mustaqbalka yeelan doonaan labada dhinac.

Arrintan ayaa waddada u xaadhaysa in la soo gabagabeeyo heshiiska ka bixitaan Britain ee midowga Yurub dabayaaqada toddobaadkan.

Heshiikani qabyada ah ayaa qeexaya qaabka ay u shaqaynayaan arrimaha ganacsiga,ammaanka iyo arrimaha kale ee xasaasiga ah.

Theresa May iyo Jean-Claude Juncker

Golaha midowga Yurub ayaa waxay sheegeen arrimahani ” mab’da ahaan loogu heshiiyay “,.

Raii’sal wasaaraha Britain Theresa May ayaa lagu wadaa in maanta galinka dambe ay hadal ka jeediso baarlamaanka.

Wakhtiga kama dambeysta ah ee Britan kaga baxayso Midowga Yurub ayaa ku eg 29 March 2019.