Shirkadda Caymiska Ee Takaaful oo qabatay xaflad lagu xusayey dadkii ku waxyeeloobay shilalka Gaadiidka {Sawirro)

Hargeysa (GNN):-Shirkadda Caymiska Ganacsiga ee Takaaful Insurance oo kaashanaysa ciidanka Taraafikada iyo wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka Somaliland ayaa soo bandhigtay khasaaraha nafeed iyo maaliyadeed ee ay shilalkii Gaadiidka ee sanadkani sababeen, taas oo ku aadan xuska maalinta caalamiga ah ee Caymiska aduunka oo ahayd 18/11/2018  balse dib loogu dhigay hawlihii fasaxa munaasibaddii barakaysnayd ee Dhalashada Nabigeenbii Suubanaa Mumaxamed NNKH.

Munaasibad qiimo badan oo lagu xusayey arrimahaasi ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor waxaana ka soo qaybgalay munaasibaddaasi Wasiirka Tiknolojiyadda iyo iskaadhsiinta Dr Cabdi Wali, Wasiir ku xigeenka qorshaynta injireen Xuseen Buuni, Gudoomiyaha Shirkaddaasi Cumar Xaashi, Agaasimaha wasaaradda hawlaha guud Sayid Cumar, Agaasimaha Wasaaradda warfaafinta Cismaan Xuseen Warsame, Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Saraakiil ka socotay ciidanka Nabadgaliyada waddooyinka sida Abshir oo ah xidigle iyo Maxamed Ismaaciil oo ah 3 xidigle iyo qaarkale oo ka tirsan dhalinyarada Taraafikada ah ee dhawaan shaqada soo galay iyo dadweyne kale.

TAKAFUL5Furitaankii shirkaasi waxaa ka hadlay Fu’aad Axmed Xuseen oo ka mida saraakiisha wasaaradda Hawolaha guud waxaanu sharraxaad ka bixiyey ujeedada munaasibadan loo qabtay waxaanu yidhi “maanta oo ay taariikhdu tahay 24/11/2018 waxaan halkan kaga warramaynaa xuska maalinta aduun-waynuhu u aqoonsaday in lagaga hadlo arrimaha caymiska sida gaadiidka noocyadiisa kaladuwan iyo caafimaadka intaba”

TAKAFUL3Abshir Aw-gaas oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka nabadgaliyada jidadka ayaa ka warbixiyey khaasraha nafeed iyo mid maaliyadeed-ba leh ee ay sanadkan sababeen shilalkii dalka ka dhawacay waxaanu xusay inay dad fatrrabadani ku dhinteen kuwaas oo tiro ahaan gaadhayey dhimashada 164 h alka ay tiro kale oo intaa ka badanina ku waxyeeloobeen, dhinaca hantida khasaaruhu ka soo gaadhay shilalka ay sababeen Darawaliinta oo aan lahayn khibradii ku filayd iyo jidadka oo aan tayo wanaagsanayn ayuu ku sheegay inay aad u farabadanyihiin iyadoo isla gaadiidka ku burburayna yihiin tiro badan.

2 Xidiggle Maxamed Ismaaciil oo isaguna ah sarkaal ka hawlgala waddooyinka Hargeysa waxa uu sheegay inay mushkiladda ugu badani ka taagan tahay gaadiidka yaryar ee Vitiz ta ama Dukhaanka loo yaqaano kuwaas oo xattaa dadka kexeeyaa aanay dhaqan wanaagsan lahayn aqoontii darawalnimaduna ay ku yartahay, waxaanay Dukhaanta iyo dhalinyarada aqoonta yar ee kexeeyaaba sabab u noqdeen dhaawacyada iyo dhimashada ugu badan ee ka dhashay jidadka Somaliland.

TAKAFUL2Gudoomiyaha Shirkadda Caymiska Takaaful xafiiskeeda Somaliland Cumar Xaashi oo madashaasi ka hadlay waxa uu ka warramay hab-dhaqanka dhalinyarada sanadkan iyo Darawalin-xumadoodu inay galaafatay dadweyne farabadan oo ay jiidheen, kuwaas oo haddana marka ay geystaan dhimasho iyo dhaawac halis ah aanay cidina waxba ka qabn balse iyadoo ay suurto gal tahay inuu dad badan laayey haddana laamin ka dib suuqyada lagu soo daayo “dhibaatada ugu weyn ee shilalka gaadiidka waxaa keena inamada yaryar ee aan aqoontii Darawalinimada lahayn” ayuu yidhi Mr Cumar Xaashi.

TAKAFUL6Isaga oo wali hadalkiisa sii watana waxa uu raaciyey “midyar oo aannu qaraabo nahay 7 jeer buu shil galay walina wuu soo taagan yahay oo dibadda ayuu joogaa isaga oo gawaadhida sii  kaxaynaya” Gudoomiyaha shirkadda Takaaful Cumar Xaashi waxa uu tilmaamay inay bulshadii laba dhinacba ka dilantahay dhinicii daral-xumaha markay kala kulmaan shilalka keena dhimashada iyo dhaawacyada halista ah waxay haddana u gacan galaan oday dhaqameedyada oo iyagu masuul ka ah inaan qofkii dadka jiidhay ee dhimashada iyo dhaawacaba geystay ay sharciga iska hortaagaan oo ay-yidhaadaan horta badhigooyadii nagaqabta wiilkana noo soo daaya aan dibadda ku wada hadallee taasina ay garabsiiso qofkii dambiila ahaa inuu mudan waayo ciqaabtii uu mudnaa in la mariyo sharciga hortiisa.

“dhibaatada kale ee meesha taalaa waxaweeye cuqaasha oo qofkii dambiilaha ahaa in sharciga la mariyo is hortaaga waxaanay dhinicii kale ee waxyeelladu soo gaadhay dhimasho ama dhaawac ku odhanayaan badhigooyadiina  naga qabta wiilkana noo soo daaya aan dibadda ku wada hadalee” ayuu yidhi Mr Cumar Xaashi.

Gudoomiyaha shirkadda Caymiska Takaaful Cumar Xaashi waxa uu talo ahaan ku soo jeediyey si loo yareeyo shilalka faraha badan ee gaadiidka iyo khasaaraha ay bulshada u geysanayaan inay Xukuumadda+ ciidamada waddooyinka iyo bulshada oo dhamiba iska gaashadaan sidii looga hortagi lahaa arrimaha soo socda ama wax looga qaban lahaa.

1-Wadayaasha gaadiidka in lagu soo rogo sharci adkaynaya inuu inanyar oo waliba gaadhiga iska kaxaysto iyadoo uu liisanka si dhibyar uga heli karo masuuliyiinta ku shaqada leh

2-in Dib loo dhiso waddooyinka gaadiidka loogu talo galay oo aad u burburay

3- iyo marka hore la hubiyo tayada gaadiidka la kaxaysanayo gaar ahaan kuwa Goballada ku kala baxa.

TAKAFUL4Agaasimaha wasaaradda warfaafinta Cismaan Xuseen Warsame ayaa isaguna kamid ahaa masuuliyiintii madashaasi ka hadashay waxaanu inuu ku faraxsan yahay ka soo qaybgalka munaasibaddani, ka sakaw faraddaasi waxa uu xusay inuu ku raacsan yahay 3 arrimood ee uu Gudoomiyaha Takaaful soo sheegay balse waxa uu xusay inay shilalka gaadiidku dhimashada iyo dhaawaca bulshada ka soo gaadha ka sakawo keenaan dhaqaale burbur aan loo baahnayn “sidaa uu sheegay Cumar Xaashi waxaan ku dari lahaa shilalku dhimashada iyo dhaawaca ka sakaw inay keenaan dhaqaale burbur weyn oo soo gaadhay bulshadii ay dhimashada iyo dhaawacuba soo gaadheen”

TAKAFUL7Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ah xubin ka tirsan guddi-hoosaadka Wakiilada ee waxa loogu yeedho ilaalinta hantida qaranka oo madashaasi ka hadlay waxa uu  mar ay kulan la yeesheen saraakiisha xafiiska nabadgaliyada waddooyinka inay ka soo heleen xogg farabadan oo muujinaysa khasaaraha nafeed iyo maaliyadeed ee bulshada ka soo gaadha Darawal-xumayaasha iyo gaadhiidkoodaba taasi oo uu sheegay inaysan ka yaran tii sanadkii la soo dhaafay ee 2017 oo ka hor imanaysa warbixintii uu Abshir Aw-gaas sheegay.

“164 dhimasho ah ayaa lagu sheegay warbixinta sanadkan waxaana la leeyahay way ka sahlantahay tii sanadkii la soo dhaafay balse aniga waxay iila muuqataa inaanay waxba ka yarayn haddaanay kaba badnayn waayo sanadkii 2017 waxay ahayd dhimashada dadka ku waxyeeloobay Gaadiidka jidadka 158  halka gaadiidka ku burburayna ay haayeen tiro aad u badan” ayuu yidhi xildhibaan Buubaa.

“waxaanu Golaha hor-keenidoonnaa Sharcigan Caymiska waxaanan rajaynayaa inaanu Golaha wakiillada ka meel marindoonn” ayuu yidhi Mudane Buubaa, waxaanu talo wax garad iyo  mid xildhibaanimaba ku soo jeediysidan.

  • in wax laga badalo nimaadka Basaska albaabada dhinaca bidixda ku leh
  • in jidadka sida xun u burburay dib loo dhiso
  • inay shirkadda Takaaful bulshada ku wacyigeliso faa’iidada Caymisku u leeyahay
  • in dib u eegis lagu sameeyo habka loo bixiyo liisanka ama sharicga waddida gaadiidka
  • in lays waafajiyo tayada gaadiidka iyo tayada waddooyinka dalka
  • iyo in markahoraba laga shaqeeyo xaaladda caafimaad ee gaadiidka la kaxaysanayo

Agaasimaha wasaaradda hawlaha guud Cumar Sayid oo ay hawlahani inbadan hoos imanayaan wasaaraddiisa waxa uu sheegay dhawaan shir ay arrimaha gaadiidka kaga soo wada hadleen dalka  Ethiopia saraakiishii ka socotay wasaarada hawlaha guud ee dalka Ethiopia inay aad u soo dhaweeyeen Caymiska shirkadda Takaaful oo ah mid ku salaysan sida uu sheegay aragtida Islaamka iyo shuruucdiisa “waxaa farxaddwayn- noo ahayd dhawaan shirkii aannu dalka Ethiopia kula soo yeelannay ee Gaadiidka iyo jidadka lagaga warramayey inay Itoobiyaanku dhinacooda aad u soo dhaweeyeen shirkadda Caymiska ee Takaaful inay ka shaqayso Somaliland” ayuu yidhi Mr Cumar Sayid.

Waxaanu dhanka kale xusay dhawaan  inay tallaabo ka qaadeen gaadiidka yaryar ee Dukhaanka loo yaqaano “dhawaan sida aad la socoteen waxaanu xayiraad xagga Goballada ah ku soo rognay gaadiidka Dukhaanka loo yaqaanno balse waxay markiiba mucaaradadi nagaga timid dad uu kamid yahay Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa oo innala fadhiya waxaanu ku doodayey in muwaadiniinta xaqoodii lagu gafay” ayuu yidhi Mr Cumar Sayid.

Gaadiidka Dukhaanta ku xigidoona ee ay wasaaraddiisu beegsanayso inay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadidoonta waxaa kamida Booyahada waaweyn ee biyaha iyo shidaalka dhaamiya kuwaas oo sida uu sheegay dhawaan lagu soo dabbaalidoono sharci ay u arkeen inuu hoos u dhigayo dhacdooyinka shilalka gaadiidku sababaan, sidookalana waxa uu farta ku fiiqay inay fulindoonaan awaamiir kaga timid Madaxweynaha oo sheegaysa in wax laga badalo qaabkii liisamada loo siinjiray dadka doonaya inay gaadiidka kexeeyaan “Madaxweynuhu waxa uu dhawaan nagu amray inaanu dib u eegis iyo wax ka badalba ku samayno sharcigii ruqsad bixinta liisamada waxaana waraysan doona dadka Cumputer halka markiihore ay saraakiisha Waddooyinku dadka ka waraysan jireen” ayuu yidhi.

TAKAFUL9Wasiir ku xigeenka qorshaynta Engineer Xuseen Buuni oo arrimahaa ka hadlay waxa uu sheegay inay ka wasaarad ahaan dhinacooda diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan fulinta sharciyada cusub ee la xidhiidha gaadiidka iyo sharciga liisan bixinta wax laga badalay intaba “annagu dhinacayaga ka wasaarad ahaan diyaar baannu u nahay inaannu fulinno wixii ka soo baxa wasaaradda gaadiidka”runtii arrintan shilalka gaadiidku waa mid caam ah oo aan la qabno dunidakale waana dhibaato haysata aduunka sidii wax looga qaban lahaa” ayuu yidhi Wasiir Buuni “aadbay muhiim inoogu yihiin shirkadaha caymisku sidii looyarayn lahaa shilalka gaadiidku keenaan” sidaa waxaa yidhi Wasiir Buuni.

TAKAFUL8Wasiirka isgaadhsiinta iyo farsamada casriga ah ee Tiknolojiyadda Dr Cabdi Wali oo soo xidhay shirkaasi waxa uu sheegay geerida ugu badan ee bulshada soo gaadhaysaa inay kaga Imanayso dhinaca gaadiidka iyo dadka wadayaasha ah oo aan lahayn aqoontii looga baahnaa inay lahaadaan markay gaadiidka  kaxaynayaan, Wasiirku waxa uu sheegay shirkadda Takaafull iyo hawlaheeda ay bulshada u keentayba inay yihiin kuwo uu islaamku ogolyahay “shirkadda Takaaful waxyaabaha ay ka shaqaynayso waa arrimo waafaqsan sharciga islaamka waanan soo dhaweynaynayaa” ayuu yidhi Wasiirka isgaadhiisnta iyo Tiknolojiyadda Dr Cabdi Wali.TAKAFUL1

Hargeisa Somaliland Gabiley News Network.