Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal oo Shaaciyay In Bilad Sharaf Uu Siin Doono Faysal Cali Waraabe iyo Sababta.

Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa shaaciyay in bilad sharaf uu siinayo Guddoomiyaha Xissbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal ayaa siyaasiyiinta Somaliland ugu baaqay inay ku daydaan Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe oo uu ku amaanay in Somaliland ka difaaco eedaaymaha Soomaaliya.