Wasaaradda Maaliyadda Oo Ganacsato Reer Somaliland Ahi Ku Eedeeyeen, In Amar Khaldan Oo Ay Bixiyeen Sababay Khasaaraha 3 Tan Oo Kaluunkii Ay Ka Ganacsanayeen Oo Duleedka Hargeysa Lagu Gubay

“Ninkaa Agaasimaha Waaxda Kastamadu Markasta oo Laysugu Kaaya Yimaado Ee Aanu Ka Gar Helo Ee Nalaga Sii Daayo, Hadana Wuxu Ku Andoocanyey In Laas-Qorey Aanay Somalilandba Ahayn Ee Ay Map-Ka Uun Inoogu Taallo” Maxamed Jaamac Iimaan oo ah Masuulka  shirkadda Kaluunka ee AL-Nuur

Shirkadda Waddaniga Kaluunka dalka ka soo saarta ee Al-Nuur Fishing Combany, ayaa Cabasho xoogan ka muujisay Khasaare dhaqaale oo ay sheegeen in Dhawr Tan oo Kaluun ah oo shirkadaasi ka khasaaray ku eedaysay inay sabab u tahay oo gaadiidkii siday mudo 2 todobaad ah Kastamadda ku hor joogsaday maamulka Cashuuraha iyo Kastamadda guud ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland, kaluunkaasi   ka soo gaadhay isla markaana Duleedka Hargeysa kaluunkaasi

Shir Jaraa’id oo shalay uu Maamulaha Shrkadda Kaluunka ee Al-Nuur Fishing Company mr Maxamed Jaamac Iimaan ku qabtay duleedka Bari ee Caasimadda Hargeysa gaar ahaan meel Buuraha Naasahablood u dhaw, waxa uu goobtaasi  oo dab lagu qabadsiiyey laguna gubay 3 Tan oo Kaluunka noocyadiisa kala duwan ee  Shirkaddoodaasi soo saarto oo sida uu cadeeyey  khasaare shirkadooda la soo gaadhsiiyey oo ay dawladda uga cabanayaan cidii dhibaatadaasi dhaqaale u geysatay in wax looga qabto, waxa uu Goobta kaluunkaasi lagu gubaayey ka sheegay Maxamed in khasaaraha kaluunkii ay ka ganacsanaayeen loo gaystay uu ka masuul yahay nin lagu magacaabo Idiris Xasan Diiriye oo ah Agaasimaha Waaxda Kastamaha ee wasaaradda maaliyadda Somaliland, kaasi oo sida uu sheegay Maxamed si cad amar uu isagu bixiyey ugu hor istaagay kuna xanibay Kastamka magaaladda Ceerigaabo  Gaadiidkii Kaluunka shirkaddoodu saarna ee siday, waxaanu hoosta ka xariiqay in iyada oo dhamaan shuruucdii shirkadnimo iyo waraaqihii cashuurta ay ku bixiyeen uu masuulkani dawladda ka tirsani dambi aanay lahayn isku dayey in uu ku shaambadeeyo shirkaddooda oo iyaga oo Kaluunka shirkaddooda ka keenay  Xeebaha Somaliland ee deegaanka Laasqoray hadana uu ku eedeyey inay Laasqoray oo dhul Putland leedahay uu ku tilmaamay inay ka keeneen kaluukani ka khasaaray eedayntaasina aanay waxba ka jirin.

Maamulaha Shrkadda Kaluunka ee Al-Nuur Fishing Combany Maxamed Jaamac Iimaan oo tafaasiil ka bixinaaya Shirkaddooda khasaaraha soo gaadhay iyo Kaluunka ay Gubeen eek a khasaaray waxa uu yidhi “Anaga oo ah Shirkadda Kalumeysiga Wadaniga ah ee Al-Nuur ( Al-Nour Fishing Company)  oo muddo dhawr bilood ka hor shaqadeda kalumeysi iyo iibgeyneeyd ka bilawdey Xeebaha deegaanada Laas-Qorey,halkaa soo aanu geysaney gaadiidkii badda iyo kuwii berigaba (reeffer trucks), ayaa sidaa aad arkeysaan aanu halkan manta ( October/4/2018) anu ku gubeynaa kallunkaa gaadhaya 3-da tan ( 3,000 kg) sababteedana uu lahaa Madaxa kastamada ee Wasaarada Maliyada,( Idiris )  waayo, gaadhigaa aad arkeysaan iyo gadhi kale oo isna qabojiye ah oo kalluukii ku raran yahay ayaa Ceerigaabo markey soo gaadheen waxa qabsadey madaxii kastamka Ceerigaabo isagoo leh xaguu ka yimi kalluunku dabeeto waxaanu u sheegnay inanu deeganada Las-qorey ka nimi oo aanu tusney Juwanadii dawlada hoose ee Las-qorey ku cashuurtey kallunkaa”

Maxamed Jaamac Iimaan  oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Maadaama kaluunka wadanka ee guddaha ( local  Fish) ah ay dawlada hoose kelideed cashuur nadaafadeed ku leedahay oo anay Wasarada Maliyadu cashuur ku lahayn, waxa kaloo aanu tusney waraaqihii. xafiiska isku-duwaha Xanaanda Xolaha iyo Hore-marinta Kalumeysiga ee G. Sanaag/ Cerigabo uu ku xaqiijinayo Fayadhawr-ka kalunkaa iyo halka laga soo saarey, maadaama isagu uu u qaabilsanyahaynDawlada dhinaca bada iyo kalumeysiga,,.Mamulhaa kastamka Cerigaabo isna baadhitaan buu sameyey laba malmood qaatey, waxanu xaqiijiyey in kalunkaasi ka yimi degaanadaa bari ka xiga Las-qorey ee biyaha Somaliland.,,hase-yeeshee wuxuu nagu yidhi waan xaqiiqsaday imaka inu kalunku ka yimi Las-qorey se Agaasimihii Waaxda kastamada ee Wasarada H. Maliyada amarkiisa ayay weli ku xaniban tahay ee isaga la xidhiidha,,  Arintii waxaa ogaadey Badhasaabka gobolka Sanaag, mudane Ahmed Mohamed (Timbaro, iyo Wasiirka X.Xolaha iyo Hore-marinta Kalumeysiga mudane Hasan Mohamed (Gafaadhi),Gudomiye Ahmed Timbare wuxuu la ahadley taliyihii qeybta Police-ka iyo CID-da wuxuu amar ku siiyey in labadaa gaadhi haday sida la sheegayo Las-qorey ka yimaadeen degdeg looga sii daayo halkaa lagu xareeeyey, haday Puntland ka yimaadena Cashurta Wasarada Maliyada ee ku wajibtey laga qaado. Waxay markaa sarakishaasi hadana xaqiijiyen in Las-qorey ay ka soo qaadeen,sidaasaa lagu soo daayey sagaal cisho oo sharci darro ah kaddib…

Dhinaca kale masuulkan u hadlay shirkaddan Kaluunka ee khasaaraha soo gaadhay ku eedaysay masuulka wasaaradda maaliyadda ka tirsani waxa uu sharaxay sababta Kaluunkani u xumaaday waxaanu yidhi “Kalluunkaas oo markii uu Hargeysa soo gaadhey noqdey mid xumaadey oo macaamiishayadii sii sugesey ay isaga tageen, waana kaa hortiina aanu ku gubeyno manta. Khasaarahaana iyo kuwo ka horeeyeybana  cidii noo geysatey ayaanu sifo sharciya kaga dooneynaa Magdhawgeeda, anagoo mareyna dariiqa sharcigu noo baneynayo, Sidaa daraadeed waxaanu si cadaalada waafaqsan aanu hiil iyo garabba  uga fadhinaa Madaxda Qaranka.ee ay arintani khuseyso in khasaara mag dhawgeeda ay noo gudo cidii noo gaysatay , waxa  xusid mudan in safaradii kan ka horeeyay ee uu xanibaada noo geystey Ninkaa Agaasimaha Waaxda Kastamadu in markasta oo laysugu kaaya yimaado ee aanu ka gar helo ee nalaga sii daayo uu hadana ku andoocanyey in Laas-qorey aanay Somalilandba ahayn ee ay Map-ka uun inoogu taallo, hadalkiisaa oo runtii intii maqleysey iyo anaguba aanu illaa iyo imaka la yaabanayahay,,,inkastoo A/Guud ee Wasaarada Maliyadu hadalkiisaa xaal ka bixiyay oo uu sharci darro ku tilmaamey.

Maxamed Jaamac Iimaan ugu dambeyntii waxa  uu mahadnaq u diray hay’addo iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo masuuliyad u muujiyey markii ay u bandhigeen dhibaatadda Kaluunkooda sifaha sharci daradda ah loogu xanibay wax kala qabtay “Waxan halkan mahad aan la soo koobi Karin uga jeedinaynaa Madaxda Wasaarada X.Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga oo ay ugu horeeyaan Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenadda oo safar kasta oo uu xanibaaddaa sharci darada ah noo geysto iyagu iskaaya garab taagayey, iyagoo madaxda Wasarada Maliyada u xaqiijinayey in iyagu ka Wasaarad Kalumeysi ahaan ay xaqiijinayaan halka kalluunkani ka yimid oo ay tahay inaan la hagardaameyn wax soo saarka badda ee sifaha sharciga ah ku socda. Safarkan kii ka horeeyayna waxa naga sii daayey Wasiirka Wasaarada X.Xollaha iyo Horumarinta  Kaluumeysiga mudane Hasan Mohamed (Gaafaadhi) oo aanu aragney inuu yahay nin waayo arag ah oo Waddaniya runtii”