Xildhibaan Nacnac Oo Guddiga Doorashooyinka Ugu Baaqay Inay Is Casilaan

Hargeysa (GNN):- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Komishanka Doorashooyinka looga baahan yahay inay is casilaan, madaama uu tilmaamay in Xisbiyadii Mucaaradka ahaa ay kalsoonidii kala noqdeen.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Barlamaanka sii joogayaan, ilaa iyo inta laga helayo Barlamaan iyaga bedelo, oo la soo doortay, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Sharci saxda ah waxaa weeye in ilaa inta laga helayo Barlamaan la soo doortay, oo Sharci lagu soo doortay anaga ayaa fadhiyeyna, sharci ayaana ku fadhiyeynaa, waana ceeb  dal dhisan in Barlamaankiisa sharci daro lagu sheego, ninkaas yidhina khalad buu u yidhi, Doorashada oo dhacdana waxaa ka horeeya Saami-qaybsigii, tirikoobkii baa ka horeeya, Dastuurkii oo la furo ayaa ka horeeya, waayo waa in Beelaha darafyada saamigoodii la siiya, haddii kale Beesha Dhexe ayuun baa kuraasta ugu badan mar walba helaya”.

Xildhibaan Nacnac mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Doorasho lama qaban karo ilaa iyo Komishankani is casilaan, oo ay meesha iskaga tagaan, haddii ay Komishankani dadka iyo dalkaba ka naxayaan, waxa u wanaagsan inay is casilaan, maxaa yeelay Xisbiyadii Mucaaradka ahaa, gaar ahaan Xisbigii kaalinta labaad ka galay Doorashada, ahaana Xisbigii ugu codka badnaa marka laga yimaado Xisbiga Kulmiye, ayaa kalsoonidii kala noqday Komishanka, sidoo kale Xisbiga, sidaas oo ay tahay yey Doorasho u qabanayaan Komishankani, si Komishan kale oo bedelo loo helo, hawshana loo dhaqaajiyo, waa inay Komishkani is casilaan, xilalkana baneeyaan”.

Source:- Geeska