Xisbiga Waddani Oo War Murtiyeed Luuqad Adag Ku Qoran Ka Soo Saarey Xeerka Booliska Ee Golaha Dib Loogu Soo Celiyey

Hargeysa (GNN):- Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu war Murtiyeed luuqad adag ku qoran uu ka soo saarey xeerkii Booliska ee dib loogu soo celiyey golaha wakiilada Somaliland

Xisbiga Waddani waxaa uu dib u soo celinta xeerkan ku tilmaamay bilow-ga nidaam kali talis nimo iyo distoor jabin  ay maagan tahay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi .

Sidoo kale War Murtiyeedka oo uu ku saxeexan yahay xoghayaha cadaalada ee xisbiga Waddani waxaa lagu sheegay soo jeedinta Boolisku ay si cad uga hor timid distoorka dalka ee 97 % dadka reer Somaliland u codeeyen

Halkan Hoose Ka Akhriso War Murtiyeedka

GABILEY.NET