Bulshada Gobolka Gabiley Oo Iskaa Wax Uqabso Ku Dhistay Dhisme Lagu Kordhiyay Dugsiga Hoose Dhex Ee Daa,uud Daahir Oo Xadhiga Laga Jaray.

Bulshada Ku dhaqan Gobolka gabiley ayaa Bilowday Barmaamijka Iskaa wax uqabso kaasi oo lagu Hirgaliyay dhismaha labada fasal ah oo lagu kordhiyay dugsiga Hoose Ee Muj Daa,uud Daahir Ee Deegaanka Indhanka Deerayahanka.

muj daa,uud daahir

dugsiga daa,uud daahir

 

Dhismaha oo Hirgalintiisa ay iska kaashadeen bulshada Deegaanka ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibadiisan ayaa waxa Xafladii xadhiga lagaga jaray ka qaybgalay maamulka Dawlada hoose ee Gabiley. Madax dhaqameed iyo bulshada Qaybaheeda kala duwan kuwaasi oo fariimo udiray qurba jooga Gobolka iyo xukuumada.

dugsiga daa,uud

sidoo kale maamulka dawlada hoose ee gabiley ayaa isla dugsigan ka dhagax dhigay afar fasal oo lagu kordhin doono.

dhagax dhig