Daawo:- CNN TV Oo Soo Bandhigay Sababtii Loo Khaarijayay Jamaal Khashoggi Iyo Fariimo Ay Iswaydaarsadeen Wiil Ku Sugan Dalka Canada

USA (GNN):- Warbixin ay daabacday CNN ayaa lagu sheegay in fariimo ay isku weydaarsadeen WhatsApp Khashoggi iyo Cumar Cabdulcaziz oo ah arday ku nool dalka Canada inay iftiimin karaan dilka weriye Khashoggi.

CNN oo heshay illaa afar boqol oo farriimo oo ay is weydaarsadeen Cumar iyo Khashoggi ayuu mid ka mid ah fariimahaas waxa uu weriyaha la diley ee Khashoggi ku tilmaamay dhaxalsugaha Sacudi Carabiya Maxamed Bin Salman inuu yahay bahal aan cidna deyneyn xitaa kuwa taageerayaasha u ah.

“Xadhiga waa mid aan loo meel dayin,waana kaligii taliye jecel xoog iyo cadaadis, waa sida bahalka oo kale oo jecel marwalba inuu wax cuno,lamana yaabayo in cadaadiska uu gaadhro xitaa kuwa u sacaba tumaya iyo kuwo kalaba Allaa wax og,”ayaa ka mid ahayd farriimaha uu direy Khashoggi.

Farriimahan oo uu Cumar Cabdulcaziz tusay CNN ayaa waxaa ka mid ah codad,sawiro iyo muuqaalo iyadoo qoraaladuna ay kashifayaan in labadooda ay qorsheynayeen inay sameeyaan dhaqdhaqaaq dhalinyaro oo aalada internetka ku shaqeeya.

Cumar Cabdulcaziz ayaa aaminsan in fariimaha ay is weydaarsanayeen dhexda loo galay oo ay boqortooyada Sacudi Carabiya ogaatay bishii August taasna ay u fududeysay shirkad laga leeyahay Israel.

Cumar ayaa doonaya hadda in uu dacwad sharciga ah la tiigsado shirkada sameysay aalad lagu jabsaday taleefankiisa.

“Jabsiga mobaylkeyga ayaa ahayd sababta ugu weyn ee keentay in la dilo Khashoggi.”ayuu CNN u sheegay Cumar Cabdulcaziz.

Abdulaziz ayaa bilaabay inuu ka soo horjeesto isagoo arday ah kuna sugan dalka Canada,waxana ay boqortoyada Sacudiga ay kala laabatay deeq waxbarasho oo ay hore u siisay balse waxaa u oggolaaday in uu waxbarashadiisa sii wato dowlada Canada iyadoo saddex sano kadibna siisay magangalyo uu ugu noolaan karo dalka Canada.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA