Dawladda Ingiriiska Oo Ka Hadashay Waxyaabaha Ay Somaliland La Qabato Iyo Mawqifka Uk Ee Aqoonsiga Qaddiyadda Madaxbanaanida.

Hargeisa(GNN):-Wasiirul dawlaha Ingiriiska u qaabilsan arrimaha horumarinta dalalka barwaaqo sooranka Harriet Baldwin, ayaa sheegtay in Ingiriisku Somaliland kala shaqeeyo arrimo badan oo ay ka mid yihiin ammaanka gobalka, waxaanay sheegtay inay Madaxweyne Biixi dhawaan kala hadashay arrimaha ammaanka gobalka. Laakiin Wasiir Baldwin waxay aqoonsiga qaddiyadda Somaliland ay ku soo riixday in lagu dhammeeyo wada hadal Soomaalida dhex mara, wadamada gobalkuna aqoonsadaan.

UK

Xildhibaan Jim Cunningham oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee dalka Ingiriiska, ayaa baarlamaanka Ingiriiska wuxuu Wasiir Harriet ku weydiiyay su’aal ahayd waxyaabaha ay dawladda Somaliland kagala hadashay wada hadaladii u dambeeyay ee dhinacyada ammaanka gobalka iyo qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Wasiir Harriet Baldwin ayaa ku jawaabtay sidan “Waxaan Madaxweyne Biixi kala hadlay arrimaha ammaanka; socdaalkaygii 7 Oktoobar ee Hargeysa. Somaliland door muhiim ah ayay kaga jirtaa la dagaalanka khatarta  argagixisada ee gobalka. Ingiriisku wuxuu Somaliland siiyaa kaalmo dhawr dhinac ah oo ay ku jiraan xoojinta awooda Somaliland  si  meesha looga saaro hadidaada argagaxisada, in caddaymo la ururiyo dambiilayaashana la xidho iyadoo lagu salaynayo xurmaynta xuquuqal insaanka iyo saraynta sharciga.

Dawladda UK, waxay taageersatanahay dedaalada Somaliland ee ku aaddan inay gacan ka gaysato ammaanka gobalka iyadoo la  shaqaynaysa Booliska, garsoorka iyo bulshada rayidka ah.

Waxaanu ka walaacsanahay isku dhacyadii sannadkan horaantiisii ka dhacay magaalada Tukaraq, waxaanu si adag ugu dhiirigelinaynaa hoggaaminayaasha dhammaan dhinacyada inay khilaafaadka ku xaliyaan nabadgelyo kalana shaqeeyaan dhexdhexaadinta ay wadaan urur goboleedka IGAD.

Ingiriisku ma aqoonsana madaxbanaanida Somaliland. Mawqifkayaga mudada dheera waa halkiisii, oo ah in Soomaalidu ay heshiis ka gaadhaan arrinta Somaliland iyagoo wada hadal u maraya  iyo inay wadamada gobalku horseed ka noqdaan aqoonsiga natiijada wada hadalkaas.”