Deg Deg Daawo Bajaajkii Ka Dhex Shaqeynayay Magaalada Gabiley Oo La Wada Xidh Xidhey Iyo Sababta Loo Xidhey Oo Talyaha Qaybtu Ka Hadlay

Gabiley(GNN)Ciidanka Laanta  Nabadgalyada Wadooyinka Ee Loo Yaqaan Taraafikada Ee Hawlgala Magaalada Gabiley Iyo Guud Ahaanba Gobolka,  Ayaa Maanta Gabi Ahaanba Soo Xidhxidhay  Gadiidka Bajaajka Oo Uu Talyaha Qaybta Gobolka Gabiley Ku Eedeeyay In Ay  Bajaajka Qaar Kood Ay Wataan Ciyaal Qayrul Masuula Oo Ka Dabaalan Karin Masuuliyada Iyo Sharciyada Looga Baahan Yahay Gadiidka Bajaajka,Baryahan Danbe Waxa Magaalada Gabiley Ku Soo Badanaya Shilalka Ay Geysaneyso Bajaajku Oo Loo  Aaneynayo Dirawalada Oo Ah Kuwa Aqoon Iyo Taxadir Ulaheyn Wadista Gaadiidka Bajaajka,Qaar Ka Mida Dirawalada Laga Xidhey Bajaajka Oo La Hadlay Warbaahinta Ayaa Tilmaamey In Lagu Xidhey Sharci Daro Iyago Xadhigooda Ku Sababeeyay Bajaaj Saaka Barqadii Ku Rogmatey Agagaarka Dugsiga Sare Ee Qalax ,Waxeyna Cabashooyin Balaadhan Ka Gudbiyeen Talyaha Taraafikada Gobolka Gabiley Oo Ayku Tilmaameen Mid Ku Takri Falaya Awooda Dawlada,

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Talyaha Qaybta Gobolka Gabiley Gaashaanle Sare Axmed Siciid Maxamed Ayaa Dhankiisa Iftiimyay Hagardaamooyinka Iyo Arqaladaha Is Barkan Ee Gaadiidka Bajaajku Ku Hayo Bulshada Magaalada Gabiley Wuxuna Hoosta Xariiqey In Maalkasta Isbitaalada La Keenayo Dad Dhaawac Ka Soo Gaadhey Shilalka Ay Gaysaneyso Bajaajku,Talyaha Qaybta Ayaa Carabaabey In Dhawaan Gudida Nabadgalyada Gobolka Ay Amaamiir Adag Ka Soo Saari Doonaan Gaadiidka Bajaajka,Sido Kale Talyaha Ayaa Ka Hadlay Arimo Ku Saleysan Sharciyada Gaadiidka Bajaajka Iyo Vitista.

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET