Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo Ceerigaabo kulan Sabootin ah kula Yeeshay 50 Qof Ee Ku Guulaystay Kaalmihii Shaqooyinka Dawladu Qaadatay. “

“Hadii Laba Walaalo Ahi Helayaan, Waa In Aqoon Lagu Tartamo, Wuxuu Ahaa Hal-Hays Iyo Hiigsi In Badan La Rajaynayey In Dalku Gaadho, Waxaana Maanta Wada Guulaystay Axmed Iyo Faadumo Oo  Labo Walaalo Ah…” Guddo. Sharmarke Geelle

Hargeisa(GNN):-Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa kulan sabootin ah magaaladda Ceerigaabo kula yeeshay 50-kii qof ee wiilasha iyo Gabdhaha iskugu jiray ee ku soo baxay Imtixaankii tartanka ay reer Ceerigaabo iyo deegaanadda hoos yimaada ugu galeen Kaalmihii shaqo ee dawladdu xulanaysay inay shaqaalaha dawladda ka banaan buuxiyaan.

Guddoomiye Sharmarke Geelle(2)

Guddoomiye md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo maanta Magaaladda Ceerigaabo kulan saboobin iyo dardaaran ahaa  la sii qaatay 50-ka qof ee ku guulaystay Imtixaankii aqoonyahanka bulshada gobolka Sanaag ku dhaqan halkaasi loogu qabtay inay u galaan shaqooyinka dawladdu qaadanayso, ayaa 50-kii qof ee ku guulaystay oo nasiib wanaag laba qof oo walaalo ah oo Wiil iyo Gabadh ahi ka mid yihiin waxa uu siiyey dardaaran dardaarankaasi oo uu dhamaantood shaqooyinka ay hay’addaha iyo wasaaradaha dawliga ah ee ay ka hawlgeli doonaan 50 muwaadiniin ee aqoonyahanka Gobolka Sanaag ka soo jeedo uu Md Sharmarke Geelle ugu duceeyey uguna Hambalyeeyey in ALLE ku guuleeyo.

GEELE

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ka hadlaayey hadalka guubaabada iyo hambalyadda iskugu jira ee uu u jeediyey kulanka saboobinta ah ee uu la siiyeeshay 50-ka qof eek u guulaystay Imtixaankii reer Ceerigaabo u galeen kaalmaha shaqooyinka dawladdu qaadatay waxa uu yidhi “Illaahay fadligii tartantii dhawaan ka qabsoomay Gobolka Sanaag, waxaa wada guulaystay ; Axmed Mohamed Jaamac iyo Faadumo Mohamed Jaamac oo ah laba walaalo ah, waxaanan leeyahay  Hambalyo dhamaan guulaystaayasha 50-ka ah iyo intii calafku doorkan u qorin”

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxa uu inta ku daray “Hadii Laba Walaalo Ahi Helayaan, Waa In Aqoon Lagu Tartamo, Wuxuu Ahaa Hal-Hays Iyo Hiigsi In Badan La Rajaynayey In Dalku Gaadho, waxaana balanteenu tahay “Qalin aan Qabiil ku Xidhnayn”