Hirdankii Xisbiga Kulmiye Oo Bilowdey Iyo Gudoomiye Ku Meel Gaadh Ah Oo Loo Magacaabi Doono ….

Hargeysa (GNN):- Dadka siyaada Somaliland falanqeeya waxaa ay sheegayaan in hirdankii xisbiga Kulmiye iyo hanashada kursiga gudoomiye-nimada xisbigaasi uu bilaabi doono , kaas oo la filaayo in shir weynihiisii dhici doono sanadkan soo socda ee 2019

Xilka gudoomiyaha xisbiga Kulmiye waxaa iminka haya oo ah madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi , balse waxaa kursigaasi uu hungari kaga jiraa siyaasiyiin xisbiga Kulmiye ku dhex jira oo uu ugu horeeyo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi .

Warqad xisbiga Kulmiye shalay ka soo baxday ayaa waxaa xilkii golaha dhexe lagaga qaaday saddex masuul oo ka mid ahaa siyaasiyiin caan ah , waxaana arintaasi lagu micneeyey mid loogu sii hanjabaayo siyaasiyiin xisbigu cabsi ka qabo  inay loolan adag ka dhex bilaabi karaan isla markaana arintu tahay baroortu orgiga ka qeyn

Sidoo kale Prof Cabdi Cali Jaamac oo ka mid ahaa saddexdii siyaasi ee shalay xisbiga xisbiga Kulmiye laga saaray waxaa uu  fashiliyey arin qarsooneed oo uu ku sheegay in la wado qorshe xisbiga Kulmiye gudoomiye ku meel gaadh ah looga dhigaayo Gudoomiye  ku xigeenka labaad ee xisbigaasi Md Axmed Cabdi Dheere

Si Kastaba ha ahaatee waxaa la sugaaba waa sanadka cusub iyo hirdanka xisbiga Kulmiye ee la saadaliyey in uu sanadkaas cusub la curan doono .

GABILEY.NET

Exit mobile version