Qorshaha Madaxweynayaasha Jabuuti Iyo Sudan Maanta U Tageen Addis Ababa Oo La Shaaciyey + [ Sawiro ]

Addis Ababa (GNN):- Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia  gaadhay madaxweynayaasha dalalka Sudan iyo Jabuuti, kadib casuumad ay ka heleen ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Dr Abiy Axmed Cali.

Ujeedada socdaalka labada madaxweyne ay u tageen magaalada Addis Ababa ayaa ah inay ka qeyb galaan xadhig ka jarista garoon loo dhisay qaab casri ah oo laga hergeliyay magaalada Jima ee gobolka Oromia ee dalka Ethiopia.

Qoraal lagu daabacay Barta Twitter-ka ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia ayaa lagu sheegay in labada masuul ay ka qeyb gali doonaan munaasabadaasi ka dhacaysa magaalada Jima ee dalka Ethiopia.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa waday isbeddel gudaha iyo dibadda ah oo dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha la xidhiidhay , waxaana la filayaa in labada masuul uu kala hadli ka mid ahaanshaha isbadalka geeska.

Dadka falanqeeya siyaasadda geeska Afrika ayaa u arkayay Isbaheysigan oo ay ka maqanyihiin Jabuuti iyo Sudan in uu gaabis yahay sidaas darteedna waxaa ay u badantahay in Abiy uu kala hadlo labada masuul ka qeyb ahaanshaha isbadalka socdo

GABILEY.NET