SOLJA Oo War-Saxaafadeed Kasoo Saartay Dacwadaha Ka Dhanka Ah Saxaafadda Somaliland

Hargeysa (GNN):- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta soo saaray warbixin uu kaga hadlayo dacwadaha ka dhanka ah saxaafadda Somaliland.

war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo lagu soo beegay Xuska maalinta Xuquuqal Insaanka oo maanta dunida laga xusayo ayaa waxa uu war-saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:

“War-saxaafadeed: Warbixinta Dacwadaha  ka dhanka ah Saxaafadda Somaliland

Hargeisa: 10th December 2018.

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu aaminsanyahay in warbaahinta ka hawl-gasha JSL ay door muhiim ah ka qaadato dhismaha dawladnimo iyo horusocodka bulsheed. Warbaahin madax-banaan oo xor ah waa tiirka dawlad dimuqraadi ah, waxa ayna abuurtaa nidaam siyaasadeed oo degen oo laga wada qayb-qaato,  isla xisaabtan iyo in sharciga la ilaaliyo isla markaasna kala dambayn hirgasho.

Hase ahaato’e , walow xeerka saxaafadda ee maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahi damaanad qaadeen xorriyadda warbaahinta, xaqqa war-helidda iyo inay gaadhsiiyaan bulshada macluumaad sugan. Sida ku cad xogta warbixin sanaddeedka diiwaangelinta kiisaska saxaafadeed ee ay SOLJA samaysay, waxa dhacay falal ka dhan ah suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta taas oo aanu u aragno in ay dhaawici karto sawirka guud ee Somaliland ku leedahay caalamka. Sannadkan, waxa uu xafiisku diiwaangeliyay 21 xadhig oo lagula kacay suxufiyiin ku kala sugan lixda gobol ee Somaliland.

Haddii aan hoos ugu sii dhaadhacno, Hargeysa oo ah caasimadda dalka waxa  ka hawlgal tiradda ugu badan ee suxufiyiinta Somaliland waxayna hoy u tahay dhammaanba hay’adaha warbaahineed ee dawladda, kuwa madaxa banaan iyo kuwo ajaanib ahba. Waxa sannadkan ka dhacay 8 kiis oo u dhiganta 37%. Dhanka kale, Waxa iyaduna xusid mudan in magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool oo ka mid ah meesha ugu badan ee warbaahinta ka hawl-gashaa ay la kulanto xadhig, tusaale ahaan waxa lagu xidhay 7 suxufi oo 33% ka noqonaya tiradda guud.

Sidoo kale, waxa suxufiyiin lagu xidhay magaalooyinka Boorama, Burco, Ceel-afweyn iyo Gebiley. Walow; badi kiisaskaas oo dhan ay SOLJA ku dhamaysay is-afgarad iyo heshiis iyadda oo si dhaw ula shaqaysay hay’adaha dawladda, waxa ay taas ka baajisay in maxkamad ay gaadhaan kiisasku ama xukun ku dhaco, mar ka laga reebo labadda suxufi ee Axmed Ciiltire iyo Maxamed Dabshid oo maxkamadda gobolka Awdal ku xukuntay labbo sanno oo xadhig ah kuwaas oo markii dambe xoriyadoodi dib u helay kadib markii ay SOLJA ka bixisay Magdhow.

Geesta kale, isla sannadkan; waxa dhacay isku day ka dhan ah hay’ado warbaahineed oo la doonayey in la xidho ama la hor istaago hawl-galkooda taas oo liddi ku ahayd mas’uuliyadda warbaahinta ee ahayd in ay si dhex-dhexaad ah ugu war-geliyaan bulshadda war ama xog kasta oo saamayn ku leh noloshooda. Tusaale ahaan, 19 June 2018, waxa Qaraar maxkamadeed shaqadii lagaga joojiyay wargeyska Waaberi ka dib markii xeer ilaalinta guud ka gudbisay dacwad ka dhan ah oo daaranayd in aanay caddayn ruqsadda wargeysku.

Sidoo kale, 29-ka May 2018; waxa ay Wasaaradda Warfaafintu RuqsaddiI ka hakisay Somnews Tv iyo SBS Tv, iyadda oo lagu eedaynayey in ay faafiyeen War-been abuur ah oo liddi ku ah Somaliland kuna saabsanaa iska hor imaadkii ka dhacay ciidamadda Somaliland iyo kuwa Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland kuwaas oo wada-hadalo kadib RuqsaddiI loo soo celiyay Somnews oo keli ah 11-kii June 2018kii.

Intaas waxa dheerayd in xarunta C.I.D-da looga yeedhay Wariyeyaal iyo masuuliyiin warbaahineed oo lala yeeshay waraysiyo iyo waydiimo warbixinadooda la xidhiidha, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Masuuliyiinta TV-yada Saab iyo Star oo Dacwad Wasaaradda warfaafintu ka gudbisay. Waxa iyaduna xusid mudan in masuuliyiinta Wargeyska madaxa banaan ee Foore looga yeedhay xarunta C.I.D-da in ka badan toban jeer oo waraysi lagala yeeshay warbixinadda uu wargeysku faafiyo.

Runtii, dhacdooyinkaasi waxa ay hawl-wadeenadda saxaafadda iyo guud ahaan mihnadlayaasha saxaafadda ku abuuraysaa baqdin iyo habrasho mihnadeed iyaga oo ka cabsi qaba in gudashadda waajibaadkoodu dhib u horseedo.

Ugu dambayn, Ururka  Suxufiinta Somaliland ee SOLJA isaga oo xog-ogaal u ah xaaladda warbaahineed ee Soomaliland oo dhiirigelinaysa geedi-socodka dimuqraadiyadeed waxa uu ugu baaqayaa dhammaan daneeyayaasha Saxaafadda oo ay xukuumaddu hormuud u tahay inay ilaaliyaan xorriyadda warbaahinta sida ku cad Dastuurka JSL, xeerka saxaafadda JSL iyo xeerarka caalamiga ah.

 

Sidoo kale, waxa uu u soo jeedinayaa xukuumadda in ay ilaaliso xaqqa war-helida mihnadlayaasha saxaafadda si looga hortago marin-habaabinta bulshada isla markaas na xog rasmi ah uga helaan hay’addaha dawladda si ay meesha uga baxaan wararka iyo warbixinaha qaldan ee saxaafadda lagu baahiyaa.

Geesta kale, SOLJA waxa ay ugu baaqaysaa mas’uuliyiinta hay’addaha warbaahinta iyo suxufiyiintaba in ay ku dhaqmaan Xeerka Anshaxa Saxaafadda, isla markaana waa inay damaanad qaadaan  masuuliyadda koobaad ee xaqiijinta sugnaanta wararkooda iyo faalooyinka si ay u muujiyaan doorkooda War-gelineed, Wax-barid, Maaweelo, unna gudmiyaan Ra’yul caamka xaqiiqooyinka rasmiga ah ee ka jira Somaliland.

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka SOLJA