“Somaliland way soo dhawaynaysaa isbadalada Geeska Afrika, Iskaashigu waa inaanu sadex kaliya ku koobnaan” WARAYSI Dr. Yaasiin Faratoon

Waxa booqasho rasmi ah wadankan Maraykanka ku jooga wafti uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada ee Somaliland Dr. Yaasiin Mohamud Faratoon. Maalintii Sabtida ee bishu Dec. 15, 2018, ayaa waxa Wasiirka waraysi khaas ah Minneapolis kula yeeshay Mohamud Geedwareershe oo ka tirsan bahda Somaliland USA Program ee Tempo Afric TV, Minneapolis, Minnesota. Wasiirku wuxuu ka hadlay wadahadalada Somaliland iyo Somaliya, Isbadalada Geeska Afrika iyo siyaasada arimaha dibada ee Somaliland.