Wafti Uu Hoggaaminayo Suldaanka Guud Ee Somaliland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Garoowe, Madaxweyne Gaas Oo La Kulmay + [ Muuqaal ]

Garoowe (GNN):- Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa magaalada Garoowe Ku Soo Dhaweeyey Suldaanka Guud ee Beelaha Harti, ahna Suldaanka ugu faca weyn leh Saalaadiinta beelaha Somaliland Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Cali Shire iyo wafti uu hogaaminayo oo ka kicitimayay magaalada Badhan ee bariga gobolka Sanaag.Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa ay muuqataa inay dayacday oo ka maarantay deegaanka bariga gobolka Sanaag, iyada oo si weyn loo saadaalinayay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu gaadhi doono bariga gobolka Sanaag safarkii ku marayay gobollada Bariga Somaliland oo cabasho xooggan ka muujinayay tan iyo markii uu xilka la wareegay

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

GABILEY.NET