Wajaale(GNN)Wafti Culus Oo Hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Soo Gaadhey Degmo Xuduudeedka Wajaale Ee Gobolka Gabiley. Waxana Halkaasi Sii Diiran Madaxweynaha Ugu Soo Dhaweeyeen Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Wajaale .Waxeyna Ku DHawaaqayeen Ereyo Ayku Cabirayaan Hamuunta Iyo Taageeraha Ay U Qabaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.Madaxweyne Somaliland Ayaa Xuduuda Somaliland La Wadaagto Itoobiya Ee Wajaale Ku Soo Dhaweeyay Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar.Labada Madaxweyne Ayaa Kulan Balaadhan Oo Saxaafadu Dibada Ka Joogtey Ku Yeeshay Aqalka Martida Degmada Wajaale Ee Dhanka Somaliland.
HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA
Kulanka Oo Ahaa Mid Xasaasiya Ayaa Lagaga Hadlay Xidhiidhka Ganacsi Ee Ka Dhaxeeya Labad Dal Iyo Sido Kale Adkeynta Amaanka .Qaybaha Kala Duwan Ee Buslahda Ayaa Ku Soo Xoomey Hoolka Shirku Ka Socdeen Waxeyna Udhagtaagayeen Qodobada Ka Soo Bixi Doona.
Markii Kulanku Soo Idlaaday Waxa Warbaahinta Uga Warbixiyay Qodobada Shirka Ka Soo Baxey Iyo Ujeedka Kulankan Dhexmaray Madaxweyaha Somaliland Iyo Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoopiya Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Wasiirka Warfaafinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoopiya Iyo Xubno Kale Oo Labada Dhinac Ka Socday.
REPORTER JACFAR CAWIL HERERI
GABILEY.NET