Tog-Wajaale: Ganacsatadii Hantidoodii ku waayey Masiibadii Dabka ma Ceelna Uma Qodna Ceelalyana uma Maqnaa !

Waxay ku beegnayd 24 Dec 2017 kii , markii Masiibo ka dhashay dab  qabsaday in ka badan lixdameeyo meheradood oo ku yaala Magaalada Tog-Wajaale oo ay ku burburtay Hanti kabadan laba Milyan oo doolar oo ay lahaayeen muwaadiniin ganacsato reer Somaliland ah.  Ganacsatadaa hantidooda ku waayey oo qaarkood tobaneeyo sanno kasoo xoogsaday Dalka amaankiisu khatarta badan yahay ee Koonfur Africa kadibna dalkooda usoo gurya noqday ganacsina ka yagleelay magaalada Tog-wajaale , iyo kuwa kale oo iyaguna hantida halka ay ku waayeen rafaad iyo juhdi ku keenay. Kuwaa oo manta ayna gacanta waxba ugu jirin.

Waxaa jirtay in mar Gudida Ganacsatada Togwajaale ay isku xilqaameen in loo gurmado oo wax loo ururiyo balse taasina may noqon wax tamarisa oo midho dhal noqda.

Waxaa kale oo iyana jirtay in Madaxweyne Muuse Biixi u Magacaabay Guddi Masuuliyiin Xukuumadiisa ka tirsan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta , Wasiirka Boosaha iyo Wasiirku xigeenkii hore ee Maaliyada si gurmad taakulo loogu fidiyo Ganacsatadaa Dabku Caydheeyey……nasiib daro se iyagana warkoodii lawaa meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Haddaba, Gurmadkii kala duwanaa iyo balamihii loo qaaday muwaadiniintaa hantidoodii kuwaayey masiibada dabku keenay, Ma Ceelna Uma Qodna Ceelalyana uma Maqnaa !

Waxaan kula talinayaa Madaxweyne Muuse Biixi in uu xaaladaa dusha ku xusan dib u eego . waxanan leeyahay Madaxweyne Ganacsatadaa manta Masiibada dabka ka dhashay hantidoodii ku waayey waa Muwaadiniintii aad madaxweynaha u ahayd ee Xilkoodu ku saarnaa, dibna u milicso go’aankii gurmad ee aad hore uga qaadatay wixii dhiciseeyey, haddana waa mid lagaa sugaayo.

Wabillahi Tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeisa,Somaliland