Aduunyada Xabsiyadii Waa La Iska Xidhayaa, Inagganu Weynu Fureynaa Qaar Kale Oo Badan.

Sanadii 2009-kii ayuu Obama warqad culus u qorey aqalka Congress-ka uu ku leeyahay hala xidho xabsiga caanka ah ee (Guantanamo Bay) oo ah meelo tacadiyo badan ka dhex dhici jireen, cajiib!, wallow aaney suurtoobin xidhid, xayiraad mooyee, haddana waxan ku tusayaa aduunyada halka la hiigsanayo in ay tahey in laga maarmi karo in dadka la ciqaabo!, inagguna 2018 ayeynu xabsiyo xadhig ka jareynay.

Nasiib xumo qorshihii Obama ma suurta-gelin, Donald Trump ayaa dagaal xoog ah ku qaadey si uu arinkaa u mucaarido, waanu ka guuleystey, Waxaan uga socdaa waxa weeyi halkii ay aheyd in xabsiga laga soo sheegay waxaas oo dhib ah dhexdiisa in la iska

xisho oo lagu badasho wax dhaama isaga Tusaale, Madaxtooyada Xaraf usii faano guranaysa, ayaa la inoogu badali lahaa inta dib loo dhiso, ayaa isagii weli dadkii lagu sii xidhayaa, Najaynaa!.

Saasaan wanaagsan ayaan arkayaa ee ha imaan xumaanina dadow, beri dhaw Police-ba weynu ka maarmi doonaa, Military mooyee? Kkkk Hada waa beri dhaw dhaw, waatii ciida Buuhoodle midhmidh loo qaadaa kkkk…

 

Bouni Abdi Abeib.

Hargeisa, Somaliland.

buunicabdi@gmail.com