Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

 Askar ka tirsan ciidamada  Maamulka Puntland  ku dhintay  Qarax Miino ,Dhinaca kale, gaadhi Rakaaba Ayaa Rasaas ….

Askari ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay ku qarxday miino dhuka lagu aasay xili ay hawlgal socod ah ku marayeen Toga Bali-khadar oo cirifka ku haya Buuralayda Galgala.
Dhaawaca iyo askariga dhintay maydkiisa ayaa la keenay Cisbitaalka Magaalada Boosaaso.
Dhinaca kale, gaadhi safar ah oo ka tagay magaalada Boosaaso, kuna socday dhulka ka baaxsan laamiga Gobolka Bari ayaa koox hubaysani weerar ku qaaday salaaddi maqrib ka dib, xili uu marayey dalcadaha meerka oo magaalada Boosaso u jirta 55KM,.  Dhaawacyo iyo dhimasho ayaa ka dhashay weerkaas dadka shacabka ah loo gaystay sida wararku sheegayaan, inkasta oo aan tirakoob dhab ah laga hayn, waxaase dadka deegaanku ay VOA u xaqiijiyeen in dadka qaar ka mid ah oo baxsad ah ay arkeen.
Maamulka Puntland ayaanan weli wax war ah ka soo asaarin dhacdooyinkaan ay saacaduhu u dhexeeyeen.

%d bloggers like this: