”Badhasaabka Gabiley Waa Ku Meelgaadh Maayerka Gabileyna Shaqadiisii Wuu Gabey Anaa Badalaya Imika”Xildhibaan Buraale Oo Arimo Badan Ka Hadlay

Gabiley(GNN)Xildhibaan Buraale  Mawliid Cabdi Oo Ka Mida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Ayaa Maanta Ka Hadlay Arimo Xasaasiyo Oo Bulshada Ka Qarsoonaa.Xildhibaanka Ayaa Soo Bandhigay Qodobo Uu Dhigayo Dastuurkeenu Oo Ay Baal Mareen Wasaarada Arimaha Gudaha Iyo Maayerada Dalka.Xildhibaankan Oo Dhinaca Kalena Ah Gudomiye Ku XIgeenka Xisbiga   Kulmiye Ee Gobolka Gabiley Ayaa Cadeeyay In Qodobdaa La Jabiyay Ay Fadhiid Ka Dhigeen Shaqadii Golayaasha Deegaanka.Xildhibaan Buraale Ayaa Geesta Kale Tilmaamay In Ay Jiraan Maamul Xumo Sharci Jabin Iyo Musuqmaasuq Uu Ku Kacey Maayerka Magaalada Gabley.Geesta Kalena Xildhibaan Buraale Ayaa Tilmaamay Inuu Jiro Xilgudasho La,aan Xaga Maayerka Ah Tasina Ay Uhorsday In Wakhtigan Uu Doonayo Inuu Utartamo Xilka Maayerka Degmada Gabiley Isago Ugu Baaqay Xildhibaanada Golaha Deegaanka In Ay Ka SHaqeeyaan Danta Bulshada Isago Ka Codsadey In Ay Soo Dhaweeyaan Tartan Uu Ku Doonayo  Hanashada  Maayerka Gabiley.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Xildhibaanka Buraale Mawliid Cabdi Ayaa Isagoo Sii Wata Hadalkiisa  Waxa Uu  Badhaasbka Gobolka Gabiley Uu Ku Tilmaamay Mid Aan Sharci Aheyn Oo Ku Meelgaadha Xildhibaanka Ayaa Sheegay In Badhaasbka Gobolka Gabiley Ka Gaabiyay Isticmaalka Awoodihii Uu Sharcigu Siiyay Isagoo Jabiyaybuu Yidhi  Qodobo Ku Xardhan  Dastuurkeena.Xildhibaan Buraale Ayaa Sido Kale Bulshada Ucadeeyay In Gobolka Gabiley Aanu Aheyn Mid Sharciya.Wuxuna Saluug Ba,an Ka Muujiyay Hab Maamulka Badhaasbka Gobolka Gabiley.

REPORTER JACFAR CAWL HERERI

GABILEY.NET

Exit mobile version