DEG DEG Golaha Guurtida Somaliland Oo Saaka Kulan Yeeshay iyo Nuxurka Ay Kasoo Saareen Mudo Kordhinta Doorashada.

Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta yeeshay kal-fadhi xaasaasi ah kaas oo ay kaga arrin sanayaan mudo kordhin loosameeyo golaha wakiilada somaliland.

Golaha Guurtida Somaliland Golaha oo ay fadhigoodii saaka oo ay fadhiyeen 65 xildhibaan laga dooday sidda ugu haboon ee golahu ka yeeli karayo warqada Madaxwayne Biixi u soo gudbiyay golohaasi ee ku saabsan dib u dhaca doorashooyinka Golayaasha.

Waxaanay Golaha Guurtidu isla qaateen in loo xil saaro 21 Mudane oo ka soo talo bixiya howshani lana siiyo wakhti saddex maalmood ah si ay xal uga keenaan muranka ka taagan mudo kordhinta golayaasha wakiilada iyo deegaanka.

Xisbiyada KULMIYE iyo UCID ayaa guurtida u gudbiyay heshiis ay gaadheen oo ah inay doorashooyoinku qabsoomaan bisha November ee sannadkan, waxaanay golaha guurtida ka dalbadeen inay muddo kordhintooda ku saleeyaan heshiiska xisbiyada KULMIYE iyo UCID, xisbig mucaaradka ah Ee WADDANI ayaa isna digniin udiray xukumadda isagoo ku adkeystay in komiishanka la kala diro.

Hoos Ka AKhri Nuxurka Warka Ay Soosaaren Xildhibaanadu.

Sawirka Boqore Ahmed Abdi.

 

Gabiley.Net