Maayerka Magaalada Gabiley Iyo Cadadka Hantida Uu Yeeshay Oo Qayrul Xad Noqotay.Waa Qalinkii Ridwaan Faarax Kaamil

Tan Iyo Markii Xilka Maayernimo Loo Cumaamadey Maayerka Magaalada Gabiley Mudane Maxmed Amiin Cumer Cabdi.Waxay Aheyd Sanaddkii 2015 Wuxuna Xilka Maayernimo Kala Wareegay Shaceyb Maxamed Muuse Oo Marka Isna Loo Cumaamadey Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland..Shacabka Magaalada Gabiley Waxey Si Weyn Utaageersanaayeen Maxamed Amiin Cumer Cabdi.Iyagoo Xildhibaanada Ku Goodiniyay In Ay Mar Uun Maayerka Gabiley Udoortaan Maxamed Amiin Cumer Dheere.

Rajadii Bulshadu Way Rumoowday Laakiin  Waji Kale Ayaa Yimid Oo Ahaa Mid Lama Filaan Iyo Qaadanwaa Ku Noqday Bulshada.

Bulshadu Maxamed Amiin Waxay Ka Aaminsanaayeen Masuul Daacada Oo Ka Dhexmuuqda Golaha Deegaanka Degmada Gabiley.Kadib Markii Maayerka Maxamed Amiin Cumer Cabdi Uu Ku Guuleystay In Uu Maayer Noqdo.Wuxu La Soo Baxey Waji Bulshada  Ka Qarsoonaa.Wuxu Isku Badalay Shakhsi Kala Xadeeya Oo Kala Xadxada Hantida Umada.

Tacajibka Iyo Amakkaaga Ugu Weyn Ee Buslahda Magaalada Gabiley Ay Kala Kulantay Maayerka Gabiley.Waxa Ka MIida In Uu Bilaabey In Guryo Badan Uu  Ka Dhisto Magaalada Gabiley Iyo Caasimada Hargyesa.Waxa La Ogaaday In Ay Jiraan Sheerar Badan Oo Uu  Ku Biiray Tan Iyo Markii Uu Maayerka Gabiley Noqday,

Arintaasi Waxey Keentay Walaac Xoogan Oo Ay Bulshadu Qabto. Tuhumadii Iyo Tilmaamihii  Wanaagsanaa Ee Shacabku Ka Rajeynayeen  Maayer Maxamed Amiin Waxey Noqdeen Hal Bacaad Lagu Lisay.

Maayerkan Oo Lagu Tiriyo Hantiilayaasha Gobolka Gabiley Ayaa Noqonaya Maayerkii Ugu Musuq Maasuqa Badnaa.Tirada Guryaha Uu Dhistay Waxey Kor Udhaafeen  2O Guri Kuwasi Oo Midka Ugu Yar Ayku Baxday 100 Kun Oo Doler.Taasina Waa Dhibaatada Iyo Mushkiladaha Ku Gadaaman Bulshada Magaalada Gabiley Iyo Guud Ahaanba Gobolka Gabiley.

Shacabka Reer Gabiley Waxey Isku Dayeen Kumanaan Jeer In La Helo Maayer Daacada Oo Ka Dhabeeya Hadafka Iyo Himilada Shacabka.Balse Ma Suuroobin Oo Waxa Lacag La Ciyaaraya Maayer Maxamed Amiin Cabdi  Oo Ishii Dhaqaaqdaba Laaluush Iyo Dhul Ayuu Siinayaa .Si Uu Umarin Habaabiyo Cidkasta Oo Ku Kacda Qorshayaasha Badalkiisa.

Dhawaan Ayay Ahayd Markii Dawlada  Hoose Ee Degmada Gabiley Ay Soo Galeen Odhod Amaba Masuuliyiinta Qaranka Uga Masuulka Ah Dabagalka Musuqmaasuqa.Waxana La Helay Kiisas Badan Oo Masuqmaasuq.Balse Maaeyrka Oo Ku Caana Laaluushka Iyo Hoosta Wax Uga Dhiibista Ayaa Sidii Caadadiisa Ahayd Markiiba Hoosta Kala Hadlay Odhodkii.

Waana Sababta Keentay In Ilaa Maanta Ayna Odhodku Soo Bandhigin Xaqiiqooyinkii Ay Arkeen.

Dhawaan Filo Qormooyin Aynu Kaga Hadli Doono Cadadka Iyo Xogaha Dhaqaale Ee Uu Maayerka Gabiley Haysto Iyo Sida Uu Ku Hantay.

Waa Qalinkii Ridwaan Faarax Kaamil

Ridwaan234@gmail.com

 

 

Exit mobile version