Prof Ismaciil Buubaa Oo Baaq U Soo Jeediyey Madaxweynaha Cusub Ee Puntland + [ Muuqaal ]

Hargeysa (GNN):- Prof Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa waxaa uu  ka hadlay Doorashadii dhawaan uu ku soo baxay Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,isagoona baaq u jeediyay.

Waxa uu sheegay Ismaaciil Hurre Buubaa in Madaxweyne Saciid Deni looga baahan yahay in uu la yimaado waxqabad cusub,isla markaana uusan marin halkaasi horey u mareen Madaxweyneyaashii isaga ka horeeyay.

Sidoo kale Ismaaciil Hurre Buubaa oo la hadlay Idaacada Radio  Dalsan ayaa Madaxweynaha cusub ee Puntland ugu baaqay in dagaalka u dhexeeya  Somaliland iyo Puntland lagu dhameeyo wada hadal dhexmara labada dhinac.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ayuu tilmaamay in uu xil iska saaro sidii loo dhammeyn lahaa Colaada u dhexeeysa Puntland iyo Somaliland,taasi oo ka taagan xuduudka labada dhinac ay wadaagaan.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

GABILEY.NET