Ruushka Oo Ingiriiska Uga Digay Inuu Saldhigyo Ka Samaysto Wadamadii Uu Saldhigyada Ku Lahaa

Moscow (GNN):- Xukuumadda Waddanka Ruushka ayaa walaac weyn ka muujisay wax ay ugu yeedhay is ballaadhinta Millatari ee dawladda Ingiriisku saldhigyo cusub kaga dhisanayso meelo kala duwan oo adduunka ah, waxaanu digniin ugu diray in uu ka joogsado hawshaasi oo uu sheegay in uu u arko daandaansi dhinaca istaraatiijiyadda Millatari ee adduunka ah.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka Haweenayda lagu magacaabo Maria Zakharova oo dorraad saxaafadda kula hadashay Magaalada Moscow waxa ay sheegtay in qorshaha xukuumadda London ay saldhigyo Milatari iyo tas-hiilaad dhinaca Gaashaan dhigga ah oo ay meelo dhawr ah ka samaysanaysaa yahay Gardarro aan meelna loogu soo gabban iyada oo sheegtay in uu Ruushku qaadi doono tallaabo kasta oo uu isna ku difaaco danihiisa istaraatiijiga ah ee mandaqadaha muhiimka ah sida kanaalka Suways, Marin biyoodka Baabul-mandab iyo badda casba.

Maria Zakharova waxa ay sheegtay in qorshaha ka bixitaanta Ingiriisku kaga baxayo Midawga Yurub uu yahay sidii uu qiil-sharci ugu heli lahaa in uu ku samaysto saldhigyo cusub isaga oo baal maraya bay tidhi shuruucda caalamka sidaa darteed aanay ka Ruush ahaan aqbalayn in ay daawadaan ciyaartan.

Haweenaydan Afhayeenka u ah Wasaaradda Khaarajiga Ruushka Maria Zakharova waxa ay sheegtay in Xoghayaha Difaaca Ingiriiska Williamson uu sheegay in Ingiriisku siyaasadihii uu kaga baxay sannadihii 1960-kii bariga Kinaalka Suweys ay tahay fursad soo noqon doonta sidaa darteed ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan danahooda Milatari iyo Ammaan ee goob kasta oo dunida ah gaar ahaan meelaha Muhiimka ah ee adduunku isaga kala goosho.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka Maria Zakharova waxa ay sheegtay in hadalladii uu Willamson siiyay wargeyska Sunday Telegraph ay ahaayeen kuwo jaha wareer ah sida ay hadalka u dhigtay. Waxa kale oo ay sheegtay in Ruushku ku filan yahay in uu isaga filnaado waxa ay ugu yeedhay siyaasadaha Aar-goosiga u muuqda.

Si kastaba ha ahaatee waxa isa soo taraya wararka quwadaha adduunka la xidhiidhinaya in ay saldhigyo waaweyn oo Milatari ka hunguraynayaan Marin Biyoodka Kinaal Suways iyo Baabal mandab oo ah badda cas ahna goobo istaraatiiji ah waxaanay xogaha qaar sheegayaan in Ingiriiska iyo Ruushkuba isha ku hayaan saldhigyo ay ka samaystaan meelo ay ka mid tahay Somaliland.

GABILEY.NET