Sanadkii aanu soo dhaafnay ayaa ahaa mid ay sare u kacday tirada shilalka diyaaradaha marka loo barbardhigo sanaddii 2017.
Shilalka diyaaradaha ayaa waxaa sanadkan ku dhintay 556 qof, halka sanadkii 2017 ay shilalka diyaaradaha ku dhinteen 44 qof,waxaa sidaasi lagu sheegay warbixin ay soo saartay laanta badqabka duulimaadyada.
Shilkii ugu xumaa ee sanadkii aanu soo dhaafnay dhacay ayaa ahaa kii bishii October ee diyaarad ay lahayd shirkadda Lion Air waxaana ku dhintay 189.
Sanadkii 2017 ayaa ahaa sanadkii dhanka badqabka diyaaradaha ugu wanaagsanaa gaar ahaan diyaaradah rakaabka oo ma jirin diyaarad rakaab oo burburtay.laanta badqabka duulimaadyada ee fadhigeedu yahay dalka Netherland ayaa sheegtay in sanadkii aanu soo dhaafnay ay dhaceen 15 shil diyaaradeed waana shilalkii ugu dhimashada badnaa.
Waxaa ka mid ahaa shilalkii ugu dhimashada badnaa 2018.
- Diyaaradii ay lahayd shirkadda Lion Air oo ku burburtay dalka Indonesia, gaar ahaan badda gobolka Java ka dib markii ay ka duushay caasimadda Jakarta.
- Dalka Cuba bishii July shil ka dhacay waxaa ku dhintay 112 qof,waxaana shilkaasi loo aaneeyay qaladaad dhanka aadnaha ah.
- Bishii February, 66 qof ayaa ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay buuraleyda Zagros ee dalka Iiraan.
- 51 qof ayaa ku dhimatay bishii March ee sanadkii tagay ka dib markii ay diyaarad ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Kathmandu ee dalka Nepol.
Balse shilalka diyaaradaha waa kuwa hoos u sii dhacayay 20 sano ee ugu dambeeyay.
XIGASHO BBC SOMALIA