Siyaasi Ay Madaxwaynaha Somaliland Isku Hayb Dhaw Yihiin Oo Taliska Ciidanka Booliska Ku Tilmaamay Reer Iyo Casabad .

Hargeysa (GNN):-  Ninka lagu Magacaabo Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa Ciidanka Booliska Somaliland ku tilmaamay Reer iyo Casabo.

Hadalkan ayaa uu ku baahiyay Bogiisa Face-Booga.

Waxaanu sheegay in Booliskii Dalku noqday Qowlaysato uu silcinayo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iiman.

Dhinaca kale Masuulkan ayaa sheegay in Taliye Fadal iska horkeenayo Dawladda iyo Dhalinyarada dalka

Lama garanayo  waxaa keenay in Siyaasigan ay Haybta dhow wadaagaan Muuse Biixi ku tidhaabo in Ciidanku Casab yahay.

Dhinaca kale Cali Guray ayaa sheegay in Ciidankii Booliska ee Siyaad Barre dhaamay kan Somaliland

Halkan Hoose Ka Akhriso 

GABILEY.NET