Turkiga Oo Shaaciyey Nooca Ay Ahaayeen Arimo Ay Kala Hadleen Madaxweyne Muuse Biixi

Ankara (GNN):- Dawladda Turkiga ayaa sheegtay inay wada hadal midho dhalay ka yeesheen Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, doorka Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya danjire Mehmet Yilmaz, oo dhawaan socdaal ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa qoraal uu ku qoray barta ay safaaradda Turkiga ee Muqdisho ku leedahay twitterka, wuxuu ku sheegay inay sidoo kale Madaxweyne Biixi ka wada hadleen sii xoojinta iskaashiga

“Waxa sharaf ii ah inaan kulan booqasho ah ugu tago Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland oo aanu yeelanay wada hadal midho dhalay oo ah doorka Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba sidoo kale xoojinta iskaashiga. Wuu ku mahadsanyahay soo dhawayntiisa diiran.” Sidaas ayuu safiirka Turkigu ku yidhi qoraalka uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay twitterka.

Turkiga ayaa dhawaan wuxuu ergay cusub u magacaabay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu u muuqdaa inuu Turkigu doonayo inuu dardar geliyo dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo hadda ku jira hakad.

Laakiin dawladda Somaliland ayaa dhawr goor waxay walaac ka muujisay dhexdhexaadnimada Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo ay madaxda Turkigu dhawr goor sheegeen inay aaminsanyihiin midnimada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

GABLEY.NET