Garoowe (GNN):- Guddoomiyaha golaha baarlamaanka ee Maamul goboleedka Puntland ayaa loo doortay Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daarood).
Wareeggii hore ee doorashayada ayuu helay 37 cod, Halka Cabbdijamaal Cismaan Maxamed uu helay 15 cod, ayadoo Abwaan Cabdirashiid Jibriil-na uu helay 5 cod oo kaliya.
Sidaas waxaa wareegga labaad ugusoo gudbay Cabdixakiin Dhoobo Daarood iyo Cabdijamaal Cismaan.

Hase ahatee wareeggii labaad ayaa guddoomiyaha la doortay Cabdixakiin Maxamed Axmed waxa uu ku guulaystay 43 cod halka Cabdijamaal Cismaan Maxamed uu helay 23 cod.
Madaxda ugu sarraysa maamulka Puntland ee uu kamidka yahay Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa doorta golaha baarlamaanka maamulkaas oo gaaraya 66 xildhibaan.
Horay waxaa xilka Guddoomiyaha baarlamaanka u hayey Axmed Cali Xaashi oo haatan waqtigiisii xil hayntu uu dhammaaday.
Puntland wali kama hirgalin nidaamka axsaabta badan ayadoo madaxweynaha haatan waqtigu kasii dhamaanayo iyo kuwii ka horreeyayba ay ballan qaadeen doorasho qof iyo cod ah.
Waa Kuma Dhoobo Daarood?
Dhoobo Daarood Waxa uu kamid ahaa xildhibaanadii uu waqtigoodu dhammaaday,horayna waxa uu ugasoo shaqeeyey Sharikadda isgaarsiinta ee Golis.
Waxa uu kamid ahaa ururkii Al Itaxaad oo 1992-dii iskudayay in ay gacanta ku dhigaan gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya.
Dadka yaqaan waxa ay sheegaan in uu yahay nin dabeecad wanaagsan, waxa uuna ka agdhow yahay urur diimeedka Al ictisaam.
Sidoo kale Waxaa uu ka soo jeeda Gobalka Sanaag waana xildhibaanada Isbedel Doonka ah ee ka soo hor jeeda madaxweyne Gaas
GABILEY.NET















