Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Filaayo Inuu Bari Safar Ugu Baxo Itoobiya Iyo Masuulyiinta Ku Wehelineysa .

Hargeysa (GNN):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maalinta berri ah  la filayaa inuu u safro a magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Warar xog ogaal ah oo soo gaahey Ilaysnews.com ayaa sheegaya in madaxweyne Biixi uu  marti-qaad rasmi ah ka helay raysal-wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed

Safarka madaxweyne Biixi ayaa xoguhu ay sheegayan inay ku wehelin doonan wasiirka arimaha dibada , wasiirka Maaliyada , wasiirka Ganacsiga  iyo taliyaha ciidanka Qaranka

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Biixi uu safar ugu baxo dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay Abiy Axmed.

GABILEY.NET