Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Daawo Xukuumada Somaliland Oo Sagootin Usamaysay Waftigii Eratariya Ee Uu Hogaaminayey Wasiirka Arimaha Dibada Oo Maanta Dalkodii Ku Labtay.

Hargeisa(GNN):-Weftigii ka socday dalka Eriteriya ee uu hoggaaminayey wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Eriteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah uga amba baxay dalka Somaliland, waxana madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ku sii sagootiyey wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon).

Weftigan oo muddo saddex maalmood ah booqasho rasmi ah ku joogay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana kulamo kala duwan la qaatay hay’adaha kala duwan ee qaranka, sidoo kalena booqasho indho-indhayn ah ku soo maray qaar kamid ah xarumaha hay’adaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo suuqyada kala duwan ee caasimadda Hargeysa, ayaa indhahooda kusoo arkay nabadda iyo Dimuqraaddiyadda ka hana qaaday Somaliland.

Sagootinta weftigan waxa sidoo kale qayb ka ahaa wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo xubno kale oo xukuumadda katirsan.

%d bloggers like this: