Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada jsl Oo Dalka Ku Soo laabtay+Qaabkii Loogu Soo Dhaweeyey Hargeisa.

Hargeisa(GNN):-Gudoomiyaha Hay’ada Shaqalaha Dawlada Somaliland Ayaa Subaxnimadii Saaka Dalka dib ugu soo laabtay kadib safar muddo uu ku joogay dalka ingiriiska halkaas oo uu kulmo kala duwan la yeeshay madax ka tirsan dawladaa uk iyo Ururo caalamiya, gudoomiye sharmaake Axmed Geele ayaa Ayaa u mahad naqay dhamaanba cidkasta uu u fududeysay hawlaha qaran ee ku maqnaa  dalka dibadiisa, waxaana soodhaweynta gudoomiyaha oo ay ka qayb galeen saraakiisha hay’ada shaqaalaha iyo madax kale si diiran loogu soo dhaweeyey madaarka cigaal international ee hargeisa.

Waxaana Qoraal uu ku yidhi Gudoomiyuhu sidan “

Alle ayey Mahad oo dhan u sugnaatay igu soo nabad ceshay dalkaygii hooyo kadib kulamo aan la soo yeelanay 8-xarumo Waxbarasho oo ku yaala boqortooyada Ingriiska.

-Waxa aan si gaar ah ugu mahadcelinayaa cid walba oo gacan iyo fududayn ku lahayd kulmadii aan yeelanay intii aan ku sugnayn UK sida oo kale waxa aanan soo koobi karin mahada aan u hayo walaalaha iyo asxaabta ku nool UK sidii milgaha badnayn ee ay noo soo dhaweeyeen

– Ugu dambayn, waxa aan si kalgacal le uga mahadcelinayaa asxaabta aan shaqo-wadaaga nahay ee saaka nagu qaabilay gegada diyaaradaha ee Cigaal Int Airport.

-Idan Alle Waxa aan dardar gelin doonnaa xidhiidhadii soo unkamay si degdeg loogu gaadho yoolka tayeynta Shaqaalaha Dawladda JSL”

Exit mobile version