Hargeisa(GNN):-Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac Dafac oo kamida garyaqaanada ku xeeldheer arrimaha sharciga ayaa si faahfaahsan u sharaxay caqabadaha hortaagan gudashada shaqadii Xafiiska hantidhawrka guud qaranka haddii aaney xukuumadu ku garab istaagin Waafajinta sharciga dadka lagu soo eedeeyey musuqmaasuq.
“Haddii ay Dibeda iska Joogaan Dadkii Musuqmaasuqa Lagu Soo eedeeyey Taasi Waxay Culeys Weyn “Niyad Jab” Ku Keenaysaa shaqadii Hantidhawrka Qaranka.















