Ra’isulwasaaraha New Zealand oo caalamka u dirtay baaq ku aadan cunsuriyadda

Ra’iisal wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern, ayaa caalamka u dirtay baaq ku aaddan cunsurinimada, iyada oo soo jeedisay in lala dagaalammo fikirka cunsuriyadnimada ka dib weerarkii loo gaystay laba masaajid oo ku yaala Christchurch.

Mid ka mid ah waraysiyadii ay BBC-da siisay ayaa waxay ku sheegtay inay ka soo hor jeeddo fikirka ah in cunsuriyadnimada ay horseeday dadka soo galootiga ah ee dalka ku soo badanaya.

50 qof ayaa naftooda ku waayay tobonnaan kalana waa ay ku dhaawcmeen weerar Jimcihii lagu qaaday laba masaajid oo ku yaalla dalkaas.

Maxay tiri Ardern ?

Mar wax laga weydiiyey arrinka xagjirnimada ayaa waxay ku jawaabtay: “Ruuxa weerarka gaystay waa muwaadin u dhashay dalka Australia balse taasi micnaheeda ma’aha in dalka New Zealand aysan joogin dad haysta fikirka cunsurinimada”.

iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey tiri: “Waxay mas’uuliyad naga saarantahay inan dalka ka sifeyno dadka qaba fikradaha noocan ah si aan u helno deegaan ka dhan ah xagjirnimada iyo cunsurinimada nacaybka ku dheehan.”

“Balse waxaan caalamka ugu baaqaya inaan si wada jir ah hal dhinac uga soo wada jeesanno fikirkaas.” Ayey ku tiri Ardern.

Dhanka kale, waxay gaashaanka u daruurtay eedeymaha ku saabsan in New Zealand ay aqbashay qaxooti badan ayna taasi sababta noqon karto.

“Waxaan nahay dal jecel inay soo dhaweeyaan dadka dhibaataysan, taasna dhaliil kuma yeelan karno”, ayey tiri Jacinda.

.

Ms Ardern ayaa sidoo kale difaacday hadalkeedii ahaa in ninka weerarka geystay aan loogu yeerin magaciisa.

Maxay ahaayeen warbixinnadii ugu dambeeyey ee wararkii lagu qaaday masaajiddada?

Booliska ayaa maalintii Arbacada ahayd waxay shaaciyeen lix qof oo ka mid ah dhibanayaashii lagu weeraray masaajidka Al Nur.

Hase yeeshe, qaar ka mid ah qoysaska ayaa muujiyey cabasho ku aaddan aaska oo la daahiyey.

Maxamed Safi, oo uu aabahiis ku dhintay weerarka ayaa cabsho ka muujiyey inuusan wax akhbaar wali helin.

.Lahaanshaha sawirkaEPA

Waxa uu wakaaladda wararka ee AFP ku yiri: “Waxay noo sheegeen inaan sugno oo kaliya … maxay tahay sababta aysan u doonaynin inaan ogaanno sida ay howsha u wadaan?.”

Taliyaha booliska Mike Bush ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay caddeyso sababta dhimashada si ay maxkamadda go’aan uga qaadato.

Isku dayo hore oo lagu doonayay in lagu adkeeyo sharciyada hubka wadanka News- Zealand ayaa waxaa ka hor yimid ol’ole xoogan iyo dhaqanka ugaarsatada.

Sharciga cusub ee oggolaanshaha hub-qaadashada New Zealand

-Ugu yaraan waxaa dalban kara sharciga hubka qof ay da’diisu tahay inta u dhaxeeysa 16 ilaa 18 sano.

-Qof walba oo hub haysta waxaa laga doonayaa warqada oggolaanshaha.

-Qofka dalbanaya dabridista waxaa la marsiinayaa baaritaan la xariira danbiyo iyo cafimaadkiisa oo lahubinayo.

– Sharcigan qofka hela waxaa loo oggol yahay iibsashada hub farobadan

balse waxaa dib loo soo cusbooneysiiyay isku day lagu doonayo in la xakameeyo adeegsiga hubka ee wadanka New-Zealand, ka dib weerarkii khasaaraha dhaliyay ee uu nin hubeysan ku qaaday masaajid lagu tukanayay.