War Deg-Dega-Muxuu Salka Ku Hayaa Xadhiga Agaasimihii Guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Ag/ Maamulka iyo Lacagta.

Hargeisa(GNN):-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Maanta Xabsiga u Taxaabay laba Masuul oo kala ah Agaasimihii guud ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta iyo agaasime waaxeedkii maamulka iyo lacagta ee isla wasaaradaasi.

Waxaana  Xadhigoodu Salka ku Hayaa Kadib Markii dhawaan uu hantidhawrka guud ee qaranka somaliland ku sameeyey Wasaarado iyo hay’ado kala Duwan oo ka tirsan qaranka somaliland kuwaas oo qaar kamida masuuliyiinta ka hawlgala wasaaradaha qaar lagu helay arrimo la xidhiidha musuqmaasuq taasina ay sababtay in Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee qaranka somaliland loo gudbiyo Dacwadaha loo haysto masuuliyiintaasi.

Waxaana ilaa hadda inta la ogyahay xabsiga loo taxaabay agaasimihii guud ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta somaliland mudane Cismaan Xuseen Warsame oo maalintii doraad xilka iska casilay madaxweynuhuna ka aqbalay iyo agaasime waaxeedkii maamulka iyo lacagta isla wasaarradaasi mr Xassan Maxamuud,

Labadan masuul ayaa noqonaya Labadii Masuul ee ugu horeeyey ee loo xidho arrimo wax isdaba marineed taas oo ay jiraan tiro kale oo Masuuliyiin heer wasiir leh oo madaxweynaha la sugayo inta uu ka qaadayo Xasaanada, xilkana laga xayuubinayo.

Si kastaba ha ahaate Shacabka somaliland ayaa siweyn ugu dhegtaagaya in mar uun dheggahoodu maqlaan in la helo masuuliyiin xilalkii ay bulshada u hayeen ku Takrifalay oo loosoo taago maxkamad si sharciyada dalka iyo dhismihii maamul wanaagu u taabo galo.

ma jirto ilaa hadda warar la xidhiidha arrimahaasi oo kasoo baxay hay’adaha ku shaqada leh Masuuliyiintan xabsiga loo taxaabay.

Waaranada lagu soo xidhay masuuliyiintan oo kamida tirada magacyo masuuliyiin ah oo loo gudbiyey xafiiska xeer ilaalinta ayaa kusoo beegmaysa wakhti xukuumada madaxweyne muuse biixi oo talada dalka haysay muddo ku siman ilaa sanad iyo dhawr bilood arrimo musuqmaasuq loo xidho xidho masuuliyiin loo haysto falal musuq.
Halkan Ka Daawo.

La Soco Wixii Warar Ah ee Kasoo Kordha Arrintaasi.

Gabiley News Network

Hargeisa Somaliland