Baarlamaanka Ingiriiska Oo Su’aalo Ku Saabsan Doorashada Wakiilada Iyo Xaaladda Xuquuqal Insaanka Somaliland Weydiiyay Wasiirul Dawlahooda Khaarajiga .

Hargeysa (GNN):- Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska ayaa toddobaadkan lagaga hadlay geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, gaar ahaan doorashooyinka wakiilada iyo Baarlamaanka iyo xaaladda xuquuqal insaanka ee Somaliland.

Xildhibaan Gill Furniss ayaa weydiisay wasiirru dawlaha Arrimaha dibadda Harriett Baldwin laba su’aalood oo Somaliland ku saabsan oo kala ah talaabooyinka diblomaasiyadeed ee uu Ingiriisku qaadayo si loo taageero geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo weliba talaabooyinka lagu taageeri karo xaaladdaxuquuqal aadamaha ee Somailand.

Wasiir Harreiet oo ugu horayn ka jawaabaysa su’aasha ku saabsan geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Ingiriiska waxay sheegtay inuu jiro wada hadal u socdo dawladda Ingiriiska iyo xukuumadda Somaliland oo ku saabsan inay doorashooyinka wakiilada iyo deegaanku ku qabsoomaan wakhtiga loo qorsheeyay oo ah December 12 ee sannadkan.

Ugu horayn Wasiir Harriet oo ka jawaabaysa su’aasha ku saabsan geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland waxay tidhi “Ingiriiska waxa ka go’an taageerada geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland; si gaar ah inay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan. Tani waxay qayb muhiim ah ka tahay wada hadalo u socda Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa iyo dawladda Somaliland.”

Wasiir Harriet oo hadalkeeda si wadataa waxay tidhi “Horaantii bishan safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya wuxuu la kulmay Madaxweyne Biixiga Somaliland si hoosta looga xariiqo sida loogu baahanyahay in doorashooyinka Baarlamaanka iyo deegaanku ku qabsoomaan wakhtigooda oo ah 12 December 2019.

Ingiriisku wuxuu sidoo kale taageero dhinaca khibrada farasmada ah siiyaa guddiga doorashooyinka Somaliland, waxaanu kala shaqaynayaa horumarinta diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo kor u qaadista ka qayb galka haweenka.”

Wasiirka ayaa waxa kale oo ay ka jawaabtay taalooyinka ku saabsan ilaalinta xuquuqal insaanka Somaliland ee uu Ingiriisku qaadayo,  waxaanay tidhi “Ingiriisku wuxuu bixiyaa caawimo balaadhan oo lagu taageerayo xuquuqda bini-aadamka ee Somaliland. Waxa qayb ka ah in lagala shaqeeyo garsoorka Somaliland in la aasaaso xeer nidaamiye iyo guddi kormeer iyo baadhiseed si loo siiyo tababar sharci oo ku saabsan ilaalinta xuquuqda, si loo hubiyo in Boolisku ku shaqaynayaan  heerarka caalamiga ah ee xuquuqda  bini-aadamka iyo in kor loo qaado xaaladaha xabsiyada. Sidoo kale Ingiriisku wuxuu dawladda Somaliland ka taageeraa  in la aasaaso xeer nidaamiye saxaafadeed, waxaanay si joogto ah ugala shaqeeyaan ururada bulshada xorriyatul qawlka, xuquuqda haweenka iyo xuquuqda dadka laga tirada badanyahay.”

Source:- Geeska