Banaan Baxyo Lamida Kuwii Dalka Suudaan Oo Ka Siraadmay Muqdisho iyo Tirada Dad Kale Oo Ciidamadu Laayeen.

Muqdisho(GNN):-Waxaa sii xoogeystay banaanbaxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho, iyadoo xaalad adag ay maanta ka jirto wadada Maka Al Mukarama iyo wadada Wadnaha.
Banaanbaxyada ayaa sii xoogeystay kadib markii ciidamada amaanka ay dileen dad shacab ahaa oo qeyb ka ah dadka banaanaxyada dhigayay, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in ku dhawaad 11ruux ay mareyso tirada dhimashada ciidamada amaanka ay dileen.
Meydka ruuxii Mootada waday iyo ruuxii rakaabka ahaa ee saaka la dilay ayaan wali loo gacan gelin dadkii ehelkooda, arintaasin waxaana wada dadka banaanbaxyada dhigaya, iyaga oo sheegay inay meydka madaxtooyada la geli doonaan.
Banaanbaxyaasha ayaa gaadhay wadada Maka Al Mukarama waxaana ay gabi ahaanba xireen waddooyin dhowr ah, iyaga oo gubaya taayarada gaadiidka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho ayaa soo saaray qoraal kooban oo uu ku sheegay inay baarayaan askariga dilka geystay iyo sidey wax u dhaceen, isaga oo cambaareeyay falka bajaajlaha lagu dilay.
Xasarad adag ayaa maanta ka taagan magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada amaanka ay wali diidan yihiin in banaanbaxyada ku faafaan xaafado kale oo magaalada Muqdisho.
Dadka ugu badan ayaa ciidamada amaanka waxay ku dileen isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, mana jirto ilaa iyo hadda cid kala dhex gashay dadka banaanbaxa dhigaya iyo ciidamada amaanka.
Ciidamada amaanka ayaa Bajaajlayaal badan ku dilay magaalada Muqdisho, waxaana yar tirada askarta loo ciqaabay dilalka dadka rayidka ah ee kusugan magaalada Muqdisho.

Halkan Ka Daawo.

Exit mobile version