Deg-Deg-Waftigii Ugu Cuslaa ee Kasocoda Beesha Caalamka Oo Maanta Soo Gaadhay Somaliland iyo Kulan Ay La Qaateen Madaxweynaha.

Hargeysa-02-04-2019-(GNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo safiirro ah oo ka socda dalalka Denmark, Switzerland, Finland, Norway, Sweden, Uk iyo Safiirka Midawga Yurub.

Kulankan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxana lagaga wada hadlay arrimo door ah oo salka ku haya xoojinta xidhiidhka labada dhinac.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Maxamuud Yaasiin Xiir (Faratoon) oo markii kulankaasi soo dhammaaday saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inuu kulankaasi ahaa mid is fahan iyo afkaar isweydaarsi salka ku hayey, dhammaanba wixii la isla soo qaadayna meel fiican la isla dhigay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Weftigu waxa ay u yimaaddeen inaannu is weydaarsanno afkaar ku saabsan arrimaha badan ee mandaqadda ka jira iyo xidhiidhka Somaliland iyo dalalkaasi ay leeyihiin sidii hore loogu marin lahaa, la isu xog-ogaalsan lahaa, la isuna dhaafsan lahaa wixii macluumaad ah iyo wixii afkaar ah ee loo baahan yahay in laga wada-hadlo, haddii ay siyaasad tahay, haddii ay dhaqaale tahay, haddii ay gargaar tahay iyo haddii ay nabadgelyo tahayba, dhinac walba waa laga wada-hadlay si wanaagsanna waa la isugu afgartay dhammaan arrimihii laga wada hadlay.”

Ambassador mette Knudsen oo ah safiirka waddanka Denmark oo iyaduna halkaas hadal ka jeedisay, ayaa hoosta ka xarriiqday inay wefti ahaan kulan midho dhalay la yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyada oo tilmaantay inay madaxweynaha kala hadleen muhiimadda ay leedahay ilaalinta sumcadda ay Somaliland ku leedahay dunida ee dhinaca doorashooyinka iyo Dimuqraaddiyadda, islamarkaana uu madaxweynuhu u muujiyey sida ay uga go’an tahay inay doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda.

Sidoo kale, waxa ay safiirku sheegtay in waxyaabihii kulanka diiradda ku saareen ay kamid ahaayeen xaaladda bani’aadamnimo ee ay sababeen abaaraha ka jira gobollo kamid ah dalka Somaliland ka taagan iyo barnaamijyada dhinaca horumarka ee dalalka reer yurub ka wadaan dalka Somaliland.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir, arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Mudane Sacada Cali Shire iyo Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac.

Dhinaca Xubnaha weftigu waxay kala ahaayeen: Safiirka Denmark, Amb. Mette Knudsen, Safiirka midawga yurub Pencho Garrido Ruiz, Safiirka dalka Ingiriiska Amb. Ben Fender, Safiirka Dalka Sweden, Amb. Andreas Von Uexkull, , safiirka Dalka Norway, Amb. Elin Bergithe Rognilie oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka socday safaaradaha dalalkaas iyo madax sare oo iyagu ka socday dalalka Finland iyo Switzerland.

Wa-bilaahi Tawfiiq