Masuuliyiintii Loo haystay Eedaha Musuqmasuq oo Mareegaha Internetka Ku Faafinaya Warar Beena Oo lagu Majarahabaabinayo Xatooyada Loo haysto.

Hargeisa(GNN):-Waxaa Maalmihii ugu danbeeyey Qaybo kamida Baraha Bulshada iyo Mareegaha internetka lagu arkayey maqaalo iyo qoraalo ku dhisan been iyo aflagaado lagula kacayo masuuliyiinta qaranka somaliland oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha somaliland.

Waxaana ujeedada wararkan beenta ah laga leeyahay tahay sidii loo majaro habaabin lahaa Eedaha musuqmaasuq ee loo haysto masuuliyiintaasi xilalka laga qaaday,

Waxaana wararka xog-ogaalka ahi xaqiijiyeen in faafinta wararkan beenta ah oo ay qaar kamida masuuliyiinta wasaarada warfaafintu ee loo haysto musuqmaasuqu ku bixinayeen lacago warbaahinta ku siinayeen sidii ay u baaahin lahaayeen

 iyadoo nuxurka qoraaladani isugu jiraan kuwo lagu difaacayo xubnaha xilalka laga qaaday ee qaarkoodna la xidhay iyo maqaalo iyo faalooyin eedo been abuura loogu sameynayo Xafiiska Hantidhawrka guud ee qaranka Somaliland.

Xubnaha hadaba Loo haysto Xatooyada Xoolaha Dadweyne ayaa todobaadkii ugu danbeeyey si qarsoodi ah u waday iyagoo adeegsanaya  Emailo iyo magacyo been abuura warar iyo qoraalo Sumcad dilis ku ah Madaxda Qaranka Somaliland iyo Hawlaha La dagaalanka musuqmaasuq ee ay xukuumada Madaxweyne Biixi ibo furtay.
Waxaana Masuuliyiintan Loo haysto Musuqmaasuqu iyagoo adeegsanaya Gacan yareyaal ka agdhow ay ka badheedheen in ay warar been abuura iyo qorshe qabiilaysan isku dayaan inay ku marin habaabiyaan xatooyada loo haysto.

Qorsheyaashan oo u muuqda kuwo qiiqa loogu qarrinayo dacwadaha iyo kiisaska uu xafiiska hantidhawrka guud u gudbiyey Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka caydamaha iyo documentiyada xadiga lacageed ee loo haysto  ee xubnahani ay si dadban u lusadeen.

 Sababtayna in kadib markii madaxweynaha qaranka Somaliland uu ku qancay cadaymaha iyo eedahaaasi musuqmaasuq uu xilalkii ka xayuubiyey.

Talaabadaa badelkeedana waata sababtay inay qoraalo qayaxan oo ku dhisan male awaal iyo been abuur ku bixiyaan lacago si ay  u faafiyaan.

Shaqsiyaadka arrintan dabada ka riixaya oo isugu jira qaar la adeegsanayo iyo xubnaha musuqa loo haysto oo iyagu daaha dabadiisa ka wada ka handharinaya lacagana ku bixinaya arrimahaasi.

Waxaana arrimahani daliil cad u noqon karaan baqaha ay ka qabaan xubnahani xadhiga xukuumadu la damacsantahay si loo waafajiyo ciqaabtay ay ku mutaysanayaan xatooyadaasi ay musuqmaasuqeen shaqooyinkii loo diray laguna horgaynayo maxkamad, ayey bulshadu is waydiinaysaa talaabada uu xafiiska xeer ilaalinta qaranku ka qaado eedaysanayaashaasi, xasaanada laga xayuubiyey qaar horena lagu siidaayey damaanad.

La Soco Warbixin Aanu Kusoo Bandhigayno Shaqsiyaadka Dabada Ka Wadda Qoraaladan.

 

Hargeisa Somaliland