“Maxkamadda Somaliland Hadii Ay ka Garnaqayso Axmed Geele Wuxu Sheeganayo Iyo Waxa Loo Sheeganayo Sax Ayaan U Arkaa”Cali Guray.

U HiiLI WALAALKA GAR IYO GARDAROBA!

Gari Allay taqaane Axmed Cismaan Geelle waxna wuu sheeganayaa waxna waa loo sheeganayaa. Maxkamadda Somaliland hadii ay ka garnaqayso wuxu sheeganayo iyo waxa loo sheeganayo labadaba sax ayaan u arkaa. Hadii ayse tahay waxa ka maqan maxkamadda kale oo Jabuuti ah ayaa qaaday oo go’aan ka gaadhay ee keliya wixii loo haystay ayay maxkamadda Somaliland ka garnaqaysaa taasi maaha cadaalad dulmina waxay ku tahay Axmed Cismaan Geelle.

Sida uu cadeeyay af hayeenka Madaxtooyadu Maxkamadda Somaliland haday ka garnaqayso wixii Axmed uu sheeganayay inay ka maqan yihiin iyo wixii loo sheeganayayba sidaana dhinacyada dacwaddu ka dhaxaysaa ay isla ogol yihiin anigu ma filayo in maxkamadda Somaliland ay ka hiilin doonto Axmed Cismaan isagoo ah muwaadin Somaliland ah oo reer Hargeysa ah Hargeysana ku sugan oo aan Ilaahay mooye cid uu ka baqanayaa jirin

Hadii hantida ka maqan loo qiimeeyo ama loo soo celiyo waxan filayaa Axmed sidii markii horeba uu isaga bixin jiray deynta Baanka Jabuuti inu isaga bixin karo intii ku baaqatay iyo inta kaga hadhsan dayntii uu qaatay sabab macquul ah uu sidaa ku diidi karana Ilaahay baa i lehe kolay anigu ma arko hadii wax inaga qarsoon oo kale aanay jirin

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)