Wasiirkii Hore Cadaalada Somaliland Oo Beeniyey Warqad Been Abuura Oo lagu Faafiyey baraha Bulshada Laguna Cadaynayo Qabashada Ganacsade Reer Somaliland.

WARSAXAFADEED

BEENIN WARQADDA DHEX WAREEGAYSA BARAHA BULSHADA

Wasiirkii hore Wasaaradda Caddaaladda JSL ahna Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gashaandhiga JSL Md. Cabdiqani Maxamud Cateeye wuxuu bulshada reer Somaliland u cadaynayaa in ay been abuur cad tahay warqada ku dhex wareegeysa baraha bulshada ee sheegeysa wareejinta Muwaadin Axmed Cismaan Geelle Warqadaasuna haba yaraatee aanayna kasoo bixin xafiiska Wasiirka cidda warqadan qortayna ay tahay dad neceb jiritaan Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland

Masuuliyiinta kale Wasaaradduna ma jirto cid ay aflagaado u geysteen muwadininta,ganacastada iyo salaadiinta JSL waxay naga mudan yihiin sharaf iyo qadarin buuxda.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Cadaaladda JSL.