“Xukuumadii Kulmiye Ee Siilaanyo Saddex ka Mid ah Muwadiniinteeda,Ayay Si Arxan-Darro ah Ugu Wareejisay Jabuuti,Maantana..Abwaan Weedhsame.”

“Maanta Waxay Ahayd in kuwa Inaga Maqan laga Wada hadlo, Ee in kuwa kale lasoo Doontaa Meesha Mabay Ool. Ictiraafkana Inan ku bedelano Maaha Dad nool nool oo Kolba Jabouti Loo Dhiibo”.Abwaan Xasan Daahir,

HARGAYSA(GNN):-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo kamida hal abuurka reer Somaliland ayaa ka dareen celiyay qorshaha xukuumada jabuuti ku doonayso in loogu gacan galiyo ganacsade reer Somaliland ah kaasi oo khilaaf Soo kala dhexgalay jabuuti iyo bangi caalamiya ay sobobtay in somaliland usoo baxsado.

Sidoo kale Abwaan Weedhsame Ayaa bulshada xusuusiyay dhacdo fool xun oo 2014kii xukuumadii axmed siilaanyo dalka jabuuti ugu gacan galisay muwaadiniin reer Somaliland ah arintaasi oo kasoo horjeeda sharciga Somaliland wali aan geeri iyo nolol midna lagu ogayn qaarkamid ah muwaadiniintaa ay hore udhiibtay.

Dhanka kale Abwaan Weedhsame ayaa wax aan suurto gal ahayn ku tilmaamay dalabka dawlada jabuuti ee ganacsade axmed geele arab isagoo sheegay in ay ahayd in la waydiiyo halka ay ku danbeeyeen kuwii hore loogu dhiibay,

Qoraal Kooban oo Abwaan Weedhsame Arimahan kaga hadlayo ayaa Wuxuu ku baahiya Barta uu ku leeyahay Xidhiidhka Bulshada ee Facebookga Wuxuna Udhignaa Sidan;

“2014-kii Ayaa Qaraxyo ka Dhaceen Dalka Aan deriska Nahay ee Djibouti. Dawladda Jibouti Ee uu Hoggaamiyo Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku dooday inay jiraan dad reer Somaliland ah, oo soo Ambabixiyey Soona Tabaabulsheeyey Dadkii Qaraxa geystay.

Sirdoonka Jibouti ayaa Hargeysa yimi. Imaanshuhu wax kuma yeelee, habeen Madaw Ayey Xukuumadii KULMIYE Ee Siilaanyo Hoggaaminayey, Saddex ka mid ah Muwadiniintii Hooskeeda iyo haybadeeda Qarannimo ku hoos jiray, Si Arxan-darro ah ugu Wareejisay Gacanta dawlad Shisheeye. Damqashadii dadnimo, dareenkii lexejeclo ee dawladi Muwadinkeeda u lahayd iyo Dastuurkii aynu dejisanay intaba inta la baal maray ayaa babacada loo saaray iyaga oo jeebaysan!!!!

Warbaahinta dalka ka soo baxda qaar ka mid ahi, bishii july 2014-kii waxay qoreen in raggii la dhiibay mid ka mid ahi xabsiga Jibouti ku dhex geeriyooday, sababtuna tahay jidh-dil axmaqnimo ah oo loo geystay darteed. Waxse aan hubaa inuu weli, Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo reer Gebiley ahi ilaa maanta gacanta ugu jiro Cadawgaas sidii hadyada loogu hibeeyey!!!

Haddaba Maanta Waxay ahayd in kuwa inaga maqan laga wada hadlo, ee in kuwa kale la soo doontaa meesha mabay ool. Ictiraafkana inan ku bedelano maaha dad nool nool oo kolba Jibouti loo dhiibo.

Haddaba hadalkii xukuumadu dhan uun buu ahaaye dhexdhexaad muu ahayn. Waayo Xukuumadu inoomay sheegin Axmed Cismaan Hantida kaga maqan Jibouti ee Awoodda Dawladnimo lagaga Haysto Sida looga soo Qaadayo Iyo Cidda Uga soo Qaadaysa.

ABWAAN XASAN DAAHIR ISMAACIIL WEEDHSAME.