Gudomiye Ku Xogeenka Wajaale Ayaa Tacsi Udiray Qoyskii Qarabadii Uu Ka Baxay Marxuum Xildhibaan, Oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe)

Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajacuun

Gudoomiye Ku Xogeenka Degmada Wajaale Mudane Mursal Nuux Cismaan Isagoo Ku Hadlaya Magaciisa Ka Maamulka Dawlada Hoose Iyo Kan Shacabka Wajaale.Wuxu Dhambaal Tacsi Tiiraanyoleh Udirayaa.Golayaasha Wakiilada, Guurtida, Madaxda Dhaqanka, Waxgaradka,Saladiinta  Waayeelka, Aqoonyahanka, Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta Iyo Shacbiga Reer Somaliland.Ee Uu Ka Baxay Alle Ha u Naxariistee Marxuum Xildhibaan, Oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) Oo Ku Geeriyootay Maanta Oo Ay Taariikhdu Tahay 10/05/2019, Magaalada Hargeysa.Gudoomiye Ku Xigeenka Wajaale Wuxu Tacsi Tiiraanyelh Udirayaa Tafiirta Reer Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf Iyo Ubadkay Sii Dhaleen Meel Ay Kala Joogaanba.

Gudoomiye Ku Xigeenka Wajaale  Mursal Nuux Cismaan. Ayaa Marxuumka Ku Tilmaamay Halyay Rukun Adag U  Ahaa Aas-aaska Lagu  Taagay  Qarankan Aynu Ku Naalooneeyno,Wuxu Ka Mid Ahaa Dadkii Fara Ku Tiriska Ahaa Ee Bundhiga Iyo Horseedka  U Ahaa Hirglalinta  Jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland.Waligiiba Wuxu Ka Shaqeynayay Heshiisiinta Beelaha Ay Dirirtu Dhexmarto,Dhexdhexaadnimo Daacadnimo Iyo Waliba Garyaqaan Ruug Cadaaya Oo Dhidibada U Aasay Wada Noolaanshaha Iyo Maslaxada  Umadda Ku Midawday Somaliland Ayuu Ahaa Runtii,Xildhibaan, Oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe)Alle Hawraxmadee,Kaalin Misaanleh Oo Dabadii La Buuxin Karin Ayuu Qarankan Ugu Jiray.Marxuumku Wuxu Ahaa Tale Bixiye Uu Illaahay Ku Galaday Maskax Wanaag Iyo Helista Xalka Nabada Lagu Gaadhayo,Wuxuuna Caan Ku Ahaa Nabadda Iyo Isu Keenida Bulshada Uu Dhexdhexaadinayo. Isagoo Saaxada Ku Soo Galay Odaynimo Shacbiga Reer  Somaliland Wada Hadhsadeen,

Wuxu Ahaa Xaq Udirir Lagu Yaqaanay Cadaalada Iyo Uhiilinta Xaqa Iyo Xuquuqaha Bulshada,Wuxu Ahaa Geed Nabadeed Oo Uu Qarankani Hadhsado,Xildhibaan Cabdi Kariin Xuseen Cabdi Waraabe Waxa Uu Ahaa Odayaasha Ku Suntanaa nabada ,Waxaana lagu Xasuusan Doonaa Kaalinta Muga Iyo Misaanka Lahayd Ee  Uu Qaranka Kaga Jiray  Sida Uu Nabada Markasta Shay Kasta Uga Horaysiin Jiray,Waxaana Uu Ahaa Samo Talis Bulshadda Somaliland Mahadisay Hadalkiisa Oo Tuf Lahaa. Xildhibaan, Oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe)  Ayaa Waxa Uu Ka Mid Ahaa Shaqsiyaadka Hormuudka U Ahaa Nabad Waxaana Uu Deegaanadda Somaliland Tagay Isaga Oo Ergo U Ah Inuu Heshiis Kala Dhex-Dhegi Beelo Kasta Oo Islaaya,Waxa Uu Kala Joojiyay Beelo Isku Hub Uruursanayay Waxaana Magaciisa Bulshadu U Taqaanay Aabihii Samaha iyo Nabadda,Waxaana Lagu Xasuusan Doonaa Talooyinkiisii Afkaarihiisii  Waayeelnimo Ee Bulshadda Somaliland Ku Caano Maashay.

Waa Tiir Adag Oo Inaga Baxay Oo taariikhdu Xusi Doonto Oo Bulshada Reer Somaliland Qalbiyadooda Ka Guuxi Doona,

Gudoomiye Ku Xigeenka Wajaale Mursal Nuux Cismaan Ugu Danbeyntii  Waxa Uu Marxuumka ALLE Uga Baryayaa Inuu Naxariistii Janno Ka Waraabiyo Kitaabkiisana Midigta Uga Dhiibo Kana Dhigo Marti La Jecelyahay, Golayaasha Wakiilada, Guurtida, Madaxda Dhaqanka,Saladiinta  Waxgaradka, Waayeelka, Aqoonyahanka, Qoyskii Qarabadii Asxaabtii Ehelkii  Iyo  Dhammaan Reer Xaaji Cabdikariin, Iyo Shacbiga Somaliland Ee Uu Ka Baxayna Samir Iyo iimaan Saadiqa Illaahay  Ka Siiyo .

Aamiin Aamiin Aamiin